Waa qofka alaab-qaybiyaha ka qaadanaya muuqaalka badeecadda, ma ahan badeecadda lafteeda, ka dibna ku soo daabacaya website-kiisa, qiimaha badeecaddana ku biirinaya faa’iidadiisa, isla mar ahaantaana suuqgeynaya.
Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir. Ama aad gujjiso badhankan hoose.
Youtube waa mid ka mid ah aaladaha ugu wanaagsan internet-ka, lacagna laga samayn karo, waxaana jira dhowr siyaabood oo kala duwan oo lacag looga samayn karo YouTube, oo ay ka mid yihiin, Xayeysiisyada (Advertisements), Affiliate Marketing, Iibinta Adeegyadaada, YouTube Shorts, SuperChat, kuwaasoo aanu u aragnay inay u fududahay qofka soomaaliga ahi inuu lacag ka sameeyo isagoo dalka hooyo jooga.
Samaynta kanaal YouTube waa mid ka mid ah hababka ugu qadiimsan uguna fiican marka loo eego gayigeena soomaaliyeed, waana hab amaan ah oo aan kaaga baahnayn wax raasa-maal ah, waxay kaa caawin kartaa inaad samaysato dakhli badan, adigoo kanaalkaaga ku soo badhigaya nuxur faa’iido u leh daawadayaasha, kuna kallifaya shirkadaha iyo xayeysiiyayaashu inay kula soo xidhiidhaan, si ay xayaysiintoodu uga soo muuqato kanaalkaaga.
Dhab ahaantii waxay u baahan tahay dulqaad iyo shaqo adag bilowga hore, laakiin dulqaad iyo dadaal badan ka dib waxaa dhalan doonta –eebe idamkii- il dhaqaale oo sugan oo ku tiirsan mabda’a dakhliga dadban.
Blogging waa mid ka mid ah siyaabaha ugu fiican uguna fudud ee internet-ka lacag looga sameeyo, Blog waxaa lagu qeexaa inuu yahay nooc ka mid ah website-yada, oo diiradda saara daabacaadda qoraallada (maqaallada) hab taariikhi ah.
blog-yadu waa ay ku kala duwan yihiin ujeeddada loo adeegsado ama loogu talagalay, waxaana jira blog-yo shakhsiyaad ah oo uu qofku ku wadaago danihiisa ama aqoontiisa, iyo blog-yo gaar ku ah mashaariicyo iyo shirkado.
Sidoo kale waxaa jira blog-yo ay ujeedadoodu tahay in lacag laga sameeyo, Taas oo ah udub dhexaadka wada-hadalkeena maanta.
Ugu horrayn, yaynaan iloobin in waxa ugu muhiimsan ee kuu sahlaya ama kuu ogolaanaya inaad lacag ka samayso blog-kaaga ay tahay in aad bixiyo oo aad soo bandhigdo waxyaabo “QIIMO LEH”.
In waxyaabo qiimo leh aynu soo bandhigno, waxay noo ogolaanaysaa in aan helno booqdayaal, islamar ahaantaana awood aan u yeelano in siyaabo badan aan lacag uga samayno blog-keena.
4 Replies to “3-da Siyaabood Ee Ugu Sarreeya Ee Aad Internetka Lacag Uga Samayn Karto”
Xamse
Apr 25, 2023
Ustaad waxad iga cawisa sida blogger ka lowgu daro themes waxajira themes la socda blogger ka lkin Muqaal ahaan iyo tayaba laga fiican yahay
Mclin sida themes low dhiso iga cawi
Iyo halka laga soo dajisto
4 Replies to “3-da Siyaabood Ee Ugu Sarreeya Ee Aad Internetka Lacag Uga Samayn Karto”
Ustaad waxad iga cawisa sida blogger ka lowgu daro themes waxajira themes la socda blogger ka lkin Muqaal ahaan iyo tayaba laga fiican yahay
Mclin sida themes low dhiso iga cawi
Iyo halka laga soo dajisto
Macalin waxan jeclan lahaa inaa iga cawiyo sida an online lacag ugu samen lahaa please
Ustaad waxan u baahanahay in aad I barto sidaan online lacag ugu samayn lahaa wyo waxan ahay aabo iska xaaladaysan bila camalna ah
school kena kuso biir wll oo baro skills ka ana bixino