Waa maxay Meme coins?

  • September 9, 2024
  • Comment 0

Meme coins waa nooc ka mid ah cryptada oo ah mid loo aasaasay si madadaalo ama maaweelo ah si dad maalgashadeyaal ah loo soo jiito, ma aha wax si ku talo gal ah loo aas-aasay.

Taariikhda Meme coins-ka

Meme coin-kii u horreeyay waxaa la aasaasay 2013kii, waxaana aasaasay Billy Markus iyo Jackson Palmer, waxayna ugu magac dareen Dogecoin(DOGE).

Dogecoin waxaa uu ku shaac-baxay si kaftan ah oo lagu jeesjeesayay Bitcoin Iyo Cryptada kale ee suuqa ku jirtay xilligaas.

Labadii rag ee aasaasay Dogecoin waxa ay ka dhigeen Altcoin madadaalo ahaan u jira qof walba oo xiisaynayana uu maalgashan karo.
Dogecoin waxuu caannimo aad u weyn helay 2021kii oo uu aad ugu baahay app-ka Reddit. Waxaa si lama filaan ah u maalgashaday ganacsato waaweyn oo kala ahaa Elon Musk, Mark Cuban iyo fanaanka Snoop Dogg taas oo sababtay in Dogecoin uu 800% kor u kaco 24saac gudaheed.

Xilligaas waxii la dambeeyay Dogecoin qiimo ayuu yeeshay oo Elon Musk ayaa ka hadli jiray, waxaana suuqa soo galay boqollaal Meme coins oo kala duwan.

Meme coins-ka ugu waaweyn suuqa iyo waxa saameeya

Lixda Meme coin ee ugu waaweyn ama ugu market cap badan sannadkan 2024ka waxay kala yihiin :-

Dogecoin (DOGE)   $14.3B
Shiba inu(SHIB)      $7.7B
Pepe (PEPE)           $2.98B
Dogwifhat (WIF)     $1.54B
Bonk (BONK)          $1.15B
Floki (FLOKI)           $1.18B 

Dhaqaaqa Meme coins-ka iyo khatartooda.

Meme coins-ku waxay u dhaqaaqaan si aan innaba caadi ahayn oo sidaan horey u soo sheegnay Elon Musk iyo Mark Cuban markii ay suuqa galiyeen Dogecoin qiimahiisu cirka ayuu isku shareeray mana ahayn wax la filan karayay.

Sidoo kale dabci ahaan Meme coins-ku waa dhaqaaq xooggan yihiin maadaama tokennadoodu aynan xaddidnayn taasi waxay keenaysa in qiimahoodu is-baddal badan sameeyo waqti yar gudihiis, marka laga reebo shiba inu (SHIB) oo 1quadrillion (hal 15 eber leh) token suuqa ku haysa.

Dabeecadaha Meme coins-ka

  • Waxay leeyihiin dhaqaaq aad u xooggan oo waxay sameeyaan is baddal aad u weyn waqti yar gudihiisa.
  • Ma leh supply xaddidan oo inta token ee la iibsan karo ee suuqa ku jira tiro ma leh.
  • Waxaa aad u saameeya hadal haynta baraha bulshada ee la hadal hayo Meme coin-ka.
  • Qiimahoodu aad ayuu u jaban yahay.

Aminiga iyo sida ay isku yihiin Meme coins-ka

Amniga Meme coins-ka aad ayuu u kooban yahay maadaama wax sal u ah oo laga tixraaco jirin isla markaana baraha bulshadu saameyn xooggan ku leeyahay iyo maalqabeennada hadal haynta abuuraya darteed lama hubo wax dhici kara oo ma leh xeer hoosaad maamula.

Sidoo kale coins-kan dadka sameeya ma leh cadcaddaan ku filan oo la isku hallayn karo in kasta oo ay jiraan dad badan oo maalgashigooda ku faa’iiday.

Meme coins-ka iyo khiyaamooyinka ka dhalan kara.

 1. Airdrop scams

Waa xeelad khiyaamo ah oo qofka loo ballan qaadayo in la siin doono token hadhow suuqa la soo galin doono baddalkeedna ay ka qaadayaan qofka xogtiisa shaqsiyadeed, xogta akoonnadiisa ama qiimo yar oo ay dhahaan adeegga ayaan kuugu furaynaa,
F.G Airdrops-ka qaar aan dhac ahayn way jiraan oo suuqa la keenay sida DOGs oo kale.

Si aad uga badbaaddo xeeladdan cidna ha la wadaagin xogtaada shaqsiyadeed iyo xogta akoonnadaada.

 2. Rug pulls

Waa xeelad kale oo dadka aasaasay coin-ka marka uu liquidity fiican helo ay si lama filaan ah ay lacagta ugala baxayaan coin-ka taas oo ka dhigaysa mid bilaa qiime ah oo dadkii maalgashaday ay u soo hadhayso token bilaa qiimo ah kaliya.

Si aad xeeladdan uga badbaaddo baadhitaan ku samee cidda aasaastay coin-ka iyo cadcaddaanta ka muuqata iyo heerka isku hallayn ee ay leeyihiin iyo liquidity ama lacagta dhex taalla suuqa inta ay le’eg tahay.

 3. Pump and dump schemes

Waa xeelad kale oo dad kooban ay tiro badan oo coin-ka ah ay iibsanayaan si qiimaha coin-ku uu kor ugu kaco oo suuqa loogu faafiyo war togan ama fiican si dad badan ay u maalgashadaan kadibna kooxdii hore ee tirada badan ee coin-ka iibsatay ay hal mar iska iibinayaan(sell) coin-ka taas oo la dhigaysa dadkii dib ka iibsaday kuwo khasaaray.

Si aad xeeladdan uga badbaaddo iska jir kor u kac walba oo bilaa sabab ah, samee baadhitaan ku filan oo aad isku hallayn karto.

Meme coins-ka qaar ka mid ah waa xaaraan sidaa darteed fadlan inta aadan maalgashan baadhitaan ku samee.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office Mastery Blogging Google AdSense Course Somali Alibaba Online Course.5

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×