Decentralised Finance(DeFi).

  • September 12, 2024
  • Comment 1

Decentralised finance (DeFi) waa hab cusub oo lacagta la isugu diri karo iyada oo cid kale aynan xakamaynayn ama faragalin ku lahaanayn.

Waa hab lacagta ay isugu diri karaan laba qof ama laba ganacsi iyada oo uu dhexdhexaad ka ahayn bangi ama xawaalad.

Taariikhda DeFi

Si dadban DeFi waxa uu la hanaqaaday uun bilawgii Bitcoin, balse ma ahayn mid horumarsan oo adeegyo badan lagu qaban karo aan ka ahayn lacag la diri ama mid laguu soo diro.

December, 2017 ayay ahayd markii u horreysay ee DeFi uu awoodaystay, waana bilawgii shirkadda MakerDAO, inkasta oo la aasaasay 2015kii.

MakerDAO waxa ay u fududaysay bulshada inay helaan lacag deyn ah oo ah DAI waana stablecoin ku aasaasan Ethereum, iyaga oo bangi la socda dhaqdhaqaaqooda wax ka amaahanayn isla markaana la xakamayn karayn waxa ay amaahanayaan iyo xogtooda shaqsiyadeed.

Sidoo kale uma baahanaysid inaad lacag dollar ah bangiga aad ku haysato balse halkii dollarka waxaad kaydsani USDT,USDC ama stablecoins-ka kale.

Uniswap ayaa suuqa soo gashay 2018kii, iyada oo kor u qaaday isku dirka Tokens-ka ku jira Ethereum ecosystem oo aad u diri karto una heli karto si fudud oo cidna aad uga daba fadhin inuu ansixiyo dhaqdhaqaaqaaga.

Kadib waxaa soo shaac-baxay DeFi apps badan oo si xor ah aad u adeegsan karto Oo ay ka mid yihiin:-

  • Chainlink
  • Crypto Kitties
  • Aave
  • Solana
  • Balancer
  • Fantom
  • Polygon
  • Ethereum.

Compound finance 

Waa hab-maaliyadeed ku dhisan Ethereum oo ogolaanaya in ciddii rabta inay lacag daymiso qof kale ay ku shubto lacagteeda system-ka kadib si toos ah ayuu system-ku ciddii daynsanaysay u siinayaa qofkii wax daymiyayna uu ku helaya interest(Ribo).

Kala duwanaanshaha u dhaxeeya Compound finance-ka iyo bangiga wax lagu kaydsanayo waa in qofka compound finance-ka lacag dhigta uu helayo Token u dhigma lacagtiisa oo la yidhaa cTokens sida cDai oo ah marka aad coin-ka Dai suuqa dhigato.

Waxyaabaha uu la gaarka yahay DeFi

Cidi kuma maamusho

Lacagtaada, waxa aad dirayso, waxa aad qabanayso cidi ma maamusho masuulna kama aha adiga ayaa masuul ka ah.

Waa mid furan

Cid walba oo internet haysata waa u furan yahay inay adeegsadaan.

Cadcaddaan

DeFi waa suuq cid walba u furan oo si caalami ah loo arki karo meesha aad wax marinayso.

Inaan sharraxno DeFi kama dhigna inaan waa laga shaqaysan karaa aan leenahay fadlan inta suuqyadan aad ka hawl galin ogow waxa diintaadu kuu bannaysay iyo waxa ay kaa reebtay.

Kaliya waxa aan u sharraxayno waa in lagaaga sheekayn oo aad ogaato waxa uu yahay.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×