Centralised exchanges (CEX)

  • September 21, 2024
  • Comment 0

Waxa aan horey u soo sheegnay Decentralised Finance (Defi) waxa uu yahay maanta waxaan faafaahinaynaa Centralised exchange (CEX) waxa uu yahay.

Centralised exchange (CEX) waa hab crypto la isugu diro iyada oo ay cid idin dhexdhexaadinayso qofka aad cryptada isu diraysaan.

Centralised exchanges-ku waxa ay u suuro galiyaan cidda rabta crypto inay gadato ama iska iibiso meel ama suuq ay ku ganacsan karaan isla markaana adeeg degdega oo amni fiican leh ay ka heli karaan, balse ma aha sida Decentralised exchanges-ka oo dhaqdhaqaaqaaga waa lala soconayaa oo la xakamaynayaa.

Waa lidka Decentralised exchange (DEX) oo ah exchange-yada aan la xakamaynayn dhaqdhaqaaqaaga.

Taariikhda Centralised exchange(CEX).

Centralised exchange waxa la dhihi karaa waxa uu la aasaasmay cryptada, oo 2009kii markii bitcoin soo shaac-baxay ayay dadkii u baahdeen meel suuq ah oo ay lacagahooda fiat-ka ama lacagaha dalalka ee caadiga ah ay ugu badashaan bitcoin, kadib waxaa soo baxay CEX-gii ugu horreeyay oo la dhihi jiray BitcoinMarket.com, waxaa markii ugu horreysay la adeegsaday 2010kii, kadib Centralised exchanges kale ayaa soo baxay oo uu ka mid yahay Mt.Gox inkasta oo markii dambe lacag yari darteed uu suuqa iga baxay.

Kadib markii uu ballaadhay suuqa cryptadu waxaa soo galay centralised exchanges ay ka mid yihiin Bitstamp, Kraken, Coinbase oo diiradda saartay amniga iyo sharciyadda exchange-geeda.

Kadib horumarka xawliga ah ee ay cryptadu ku socotay iyo bilawgii Altcoins-ka iyo tokens-ka kala duwan, Centralised exchange-yadu waxa ay keeneen laba waxyaabo oo amniga sugaya isla markaana xogta qofka adeegsanaya lagu ogaanayo oo kala ah Know Your Customer (KYC) oo ah hab ay ku ogaanayaan xogtaada shaqsiyadeed iyo Anti-Money Laundering (AML) oo ah hab lagaaga qabanayo lacagaha aad si sharci darro ah aad ku soo heshay isla markaana aad rabto inaad sharciyaysato.

Central exchanges-ka ugu caansan
  • Coinbase
  • Binance
  • Kraken
  • Gemini
  • Bitstamp
  • Crypto.com
  • Bitget
  • Korbit
  • AscendEX
  • Bithumb
  • Bitbank
  • Bitpanda

Waxyaabaha ay Centralised exchange-yadu kaga soocan yihiin Decentralised exchanges-ka.

1- Cid ayaa dhexdhexaad ka ah.

Transaction walba oo dhacaya waxaa dhexdhexaad ka ah exchange-ga aad adeegsanayso oo waa lala socdaa.

2- Hantidaada ayagaa mas’uul ka ah.

Hantidaadu waxa ay ku jirtaa gacantooda isla markaad dhigato exchange-ga oo waa sababta ay binance dadka qaar magdhow u siiso.

3- si fudud ayaa loo adeegsan karaa

Waxa ay u dhisan yihiin qaab fudud oo qofka ku cusub suuqa iyo kan ku talax-tagayba ay wada fahmi karaan.

4- Hanti adag ayaa dhex marta.

Central exchanges-ka hanti adag ayaa dhex marta maadaama ay amni iyo isku hallayn leeyihiin.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×