Airdrops

  • September 26, 2024
  • Comment 0

Airdrops waa crypto bilaash ah oo lagugu siinayo buuxinta shuruudaha ay kaa rabto cidda bixinaysa Air-dropka ha ahaato game la ciyaaro ama barahooda bulshada oo la raaco oo muuqaallada la daawado ha ahaato.

Taariikhda Airdrops-ka

Airdrops-ku waxa ay taariikh ahaan la bilawdeen bitcoin, satoshi nakamoto markii uu sameeyay bitcoin waxa uu cid walba oo qodata(mine) block-yadii Blockchain-ka aan soo sharraxnay ku siinayay bitcoin bilaash ah taas oo u noqotay meel ay ka dab-qaateen kooxaha Airdropska soo bandhiga.

Waxa fiiro gaar ah siisay Airdropska 2014kii markii Auroracoin ay tokens bilaash ah u qaybisay shacabkii Iceland taas oo u noqotay Airdrops lagu helayn qodasho(mining) ama gadasho.

Sida la sheego Airdropkii ugu weynaa ee abid la qaybsho waxa uu ahaa kii ay shirkadda Uniswap ay qaybisay taariikhdu marka ay ahayd 16kii September ,2020 oo lagu magacaabi jiray UNI, qiimo ahaanna tokens-ka la qaybshay ay u dhigmayeen $6.43B.

UNI waxa uu marka uu ugu qaalisanaa gaadhay qiimo dhan $42.88.

Airdropkii labaad ee ugu waynaa isna waxa uu ahaa Apecoin oo 17kii march, 2022 la qaybiyay kuna fadhiyay hanti ah $3.54B, meesha ugu sarreysa ee uu gaadhayna ay ahayd $23.63.

Noocyada Airdropska

Airdrops-ka noocyadoodu waa badan yihiin balse Laba ayaa ugu caansan.

1- snapshot-based Airdrops:- waxaa la siiya dadka token xajiya waqti cayiman, si abaal marin ahaan loogu siiyo daacadnimada ay muujiyeen muddada ay xajinayeen tokenka.

2- Task-based Airdrops:- adeegsadaha si uu u helo token-kan waxa looga baahan yahay inuu qabto shaqo noqon karta inuu dad ugu yeedho shirkadda, inuu raaco barahooda bulshada ama game ay soo saareen inuu ciyaaro.

Sidoo kale waxaa jira exclusive Airdrops oo la siiyo dad jaango’an oo ah kuwa mashruuca tijaabada galiyay.

Sida loo qaybsho iyo shuruudaha ku xidhan Airdropka

Airdrops-ka shuruudo kala duwan ayaa lagu xidhaa oo hadba shirkadda qaybinaysa ay samaystaan, balse waxaa ugu caansan

1- Activity-based criteria:- waa Airdrop lagu heli karo shardi ah inaad mar walba ku jirto platfrom-ka ay leeyihin shirkadda qaybinaysa, si aad uga qayb qaadato hawlaha la qabanayo iyo games-ka la ciyaarayo.

2- Geographic-based criteria:- waa Airdrop shirkaddu ay shardi ah dalka ay ugu talo gashay tokenka ay ku xidho adeegsadaha inuu joogo, waxaana tusaale u ah Auroracoin-kii aan kor ku soo xusnay.

Qaybinta Airdrops-ka waa mid lagu kala duwan yahay shirkadaha qaar adeegsadaha waxay si toos ah ugu diraan wallet-kiisa, halka qaar kale ay ku amraan adeegsadaha inuu ka helo Centralised exchanges-ka uu lacagtiisa ku kaydsaday.

Airdrop-yadii hirgalay waxaa ka mid ah
  • Auroracoin
  • Uniswap (UNI)
  • Bitcoin cash(BCH)
  • Stellar (XLM)
Khataraha ku hareeraysan Airdrops-ka

Khataro badan ayaa ku hareeraysan Airdrops-ka maadaama ay jiraan qolyo sameeya Airdrop been abuur ah si ay adeegsadaha uga helaan xogta akoonnadiisa oo ay dhacaan ugu dambaynta, mana qumana sinnaba inaad meel aad lacag ku ogtahay aad ku xidho Airdrop-yada.

Galabta hadduu alle yidhaa waxa soo baxaya hamster combat Airdrop oo baryahan suuqa Airdrops-ka buuq iyo sawaxan ka dhaliyay, waan sugaynaa waxa uu ku soo baxo.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×