Tuugta suuqa Crypto oo hanti badan dhacay.

  • October 2, 2024
  • Comment 0

Sida aan wada ogsoonnahay waxaa jira tuugo badan oo suuqan crypto dadka ku dhaca, ha ahaadeen qaar jabsanaya akoonnada ganacsatada crypto ama ha ahaadeen scammers xogtaada adigu aad siinaysid ka dibna la baxaya Hantidaada kuugu kaydsan akoonnada.

Sannadkan marka saddexdiisii bilood ee u dambaysay waxaa hoos u dhacay inta jeer ee xatooyo loo gaystay ganacsadayaasha crypto balse waxaa aad u sarreeya xaddiga lacageed ee la dhacay, taas oo ka dhigan in dhac walba oo la samaynayo lagu dhacayay hanti laxaad leh.

1dii October 2024 sida ay sheegtay Certik oo ah shirkad amniga suuqa ka war haysa waxaa kor u kacay 9.5% hantida la dhacay, taas oo guud ahaan u dhiganta $753m oo lagaga dhacay maalgashadeyaasha suuqa crypto 155 dhac oo loo gaystay.

Ethereum network waa halka uu dhaca ugu badan ka dhacay hanti baaxad leh na lagu dhacay iyada oo loo gaystay 86 dhac oo $387m lagala baxay crypto-layda.

Dhacii ugu waynaa waxa uu qabsoomay 19kii August kadib markii Bitcoin whale oo ah magac lagu magacaabo cidda haysata 1000 Bitcoin wax ka badan loo gaystay dhac lagaga dhacay 4064 Bitcoin oo u dhiganta $250m, kadib markii uu arkay lacag aan la ansixin oo ka baxday akoonkiisa.

Dhacii kale ee ugu xumaa isna waxa uu ka dhacay hindiya, oo suuqa cryptada lagu kala baddasho ee WazirX ayaa laga dhacay hanti dhan $235m taas oo door saamayntiisa leh ka qaadatay dhacii la gaystay saddexdii bilood ee u dambaysay.

                           Khalkhalka amni ee dhacay saddexdii bilood ee u dambaysay 2024, Certik

Bilawgii sannadkan illaa haddadan aan joogno waxaa la dhacay hanti dhan $2billion,

Saddexdii bilood ee u horraysay waxaa la dhacay $505m oo 224 dhac la gaystay sidoo kale saddexdii bilood ee labaad waxaa yimid kor u kac oo waxaa la dhacay $687m.

Ku darso oo waxaa hoos u dhac ku yimid soo celinta lacagihii la dhacay saddexdan bilood ee u dambaysay oo kaliya 4.1% oo xoolihii la dhacay ah ayuun baa la helay, halka saddexdii bilood ee hore la soo celiyay 14.4%.

Labada qaab ee dhaca ugu badan lagu gaystay

 

1- phishing

Waa hab qofka loo sameynayo website aad ka dareemayn website kale oo weyn, sida in mid binance u eeg la dhiso kadib adiguna aad username-kaaga iyo password-kaaga aad galiso oo ah kii aad ku isticmaalaysay binance ee hantiduna kuugu jirtay, taas waxay keenaysaa inay xogtaada dhabta ah helaan ay akoonkaagana kuu waydaartaan oo waxay rabaan kala baxaan maadaama ay username-kii iyo password-kiiba ay haystaan.

Si aad isaga difaacdo dhaca noocan ah iska jir inaad gasho website aadan hubsan amnigiisa, sidoo kale iska jir message-yada lagugu waydiinayo xogtaada gaarka ah iyo kuwa lagugu casuumayo link-yada been abuurka ah xambaarsan.

 

2- Private key compromises

Waa hab oo qofku helayo private keygaaga si uu ku helaba, kadib marka ay private key-gaaga helaan waxay si fudud u heli karaan xogta akoonkaaga sidaas ayayna lacag aad adigu ansixin ugala bixi karaan akoonkaaga, xeeladdanna waxaa lagu dhacay hanti idil $324m.

Dhacan waxaad isaga jiri kartaa inaadan cidba siin private key-ga akoonnadaada.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×