Aasaasaha Icomtech oo lagu xukumay 10 sano.

  • October 5, 2024
  • Comment 0

David Carmona, waa ninka aasaasay shirkadda Icomtech oo ahayd shirkad ka mid ah tuugada ugu waaweyn ee cryptada ka dhacay dadkii maalgashaday, habka ay u shaqaysana waxaa lagu magacaabaa ponzi scheme, maqaal kale ayaan ku sharrixi doonna haddu alle idmo e’.

Haddaba Carmona kadib markii caddaymo ku filan lagu helay ayaa lagu xukumay 121 bilood oo xabsi ah oo u dhiganta 10 sano.

Carmona waa maskaxda ka dambaysay shirkadda Icomtech oo ahayd shirkad dadka muruq-maalka ah ku ugaadhsata hammi been ah iyo hummaag ay ku abuurto maskaxdooda kadib marka ay u ballan qaaddo inay xornimo maaliyadeed heli doonaan haddii ay maalgashadaan shirkaddooda Icomtech”,  sidanna waxaa yidhi Damian Williams oo ah qareen American ah 4 October.

Sida uu qareen Williams sheegay aasaasaha shirkaddan waxa uu dadka u ballan qaadayay in lacagtooda ay maalgashadaan lagu maalgalin doono arrimo la xidhiidha ka ganacsiga cryptada iyo qodidda cryptada, isla markaana ay faa’idadu lixdii biloodba laba-laabmayso, balse sidaas wax uma dhicin.

“Dhab ahaan, Icomtech mayna samaynayn wax sidan oo kale ah, waxa dhan been ayay ahaayeen, kadib markii xeeladda Ponzi scheme ay shaqayn wayday, dadkii uu Carmona dhacay wax celis ah maynan helin, maalmihii uu Carmona dhacayay dadka daacadda ah ee aan aqoonta u lahayn suuqan waan soo gabagabaynay, tuugguna wakhti adag ayuu ku qaadani jeelka”  qareen Williams.

Waxaa dheer 121ka bilood ee xabsiga ah saddex sano oo kor lagala socon doono dhaqdhaqaaqiisa.

Icomtech waxay dhacday hanti dhan $8.4million xilliyadii u dhaxeeyay 2018kii ilaa dhammaadka 2019.

Carmona iyo dadka kale ee la waday hawsha waxay safarro badan ku safrayeen maraykanka iyo qaaradaha kaleba iyaga oo qabanayay shirar heersare loo qabanqaabiyay si loo soo jiito dadka maalgashadayaasha ah.

Waxaa caado u ahayd marka ay shirarkan soo galayaan inay ku yimaadaan gawaadhi qaali ah iyo dhar qaali ah sidoo kalena saacado qaali ah, iyaga oo ugu baaqaya dadka shirka soo galay inay heli karaan hanti le’eg tan ay iyagu haystaan haddii ay maalgashadaan shirkaddooda Icomtech.

Balse dadkii la soo galiyay mashruuca way wadeen wakhti aan fogayn waxa ay la kulmeen dhibaatooyin.

Qaar badan oo ka mid ah maalgashadayaasha waxay la kulmeen dhibaato dhinaca soo saarashada lacagta ah, maadaama ay website-ka ugu jirto lacag balse aynan soo saaran karayn cid uga jawaabtana ma jirin, halka qaarka la siiyayna ay baraha bulshada ugu baaqayeen dadku inay jannada soo galaan.

Kadib cabashooyinkii marka ay bateen Icomtech waxay sheegtay inay soo saarayaan Token la dhaho ‘Icoms‘ si ay u helaan maalgalin dheeraad ah, sidoo kalena ay ka dhigaan Token wax lagu kala iibsado.

Icoms wax qiima ah ma yeelan waxayna sababtay baaba’a shirkadda oo burburtay 2019kii, kadib markii ay joojisay lacagaha faa’idada ah ee ay maalgashadayaasha qaar siin jirtay.

2023 Carmona waxa loo aqoonsaday dambiile.

Maamulihii hore ee Icomtech Marco Ruiz Ochoa isna waxaa lagu xukumay 5 sano oo xadhig ah January.

Sidoo kale dadkii suuq galiyay shirkaddan ee caan bixinayay oo kala ahaa David Brend iyo Gustavo Rodriguez ayaa loo aqoonsaday dad dhac gaystay laguna xukumi karo xadhig wadar ahaan 20 sano noqonaya.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×