Cilladda fat-finger ee dhibaataysa adeegsadayaasha crypto.

  • October 24, 2024
  • Comment 0

Fat-finger waa cillad ka dhigaysa crypto mid ilaa hadda si fudud aad lacag ku lumin karto haddii aad taxadar lahayn.

Fatfinger waa cillad aad u xun oo dib u dhigaysa horumarka crypto si walba oo uu u ahaado shay mustaqbalka lagu tashanayo.

Fat-finger waa qalad uu qofku galo marka uu dirayo ama aqbalayo crypto kadib marka uu galiyo address number qaldan taas oo ku iman karta cillad dhinaca qoraalka ah ama hubsi la’aan waxayna sababi kartaa qofku inuu waayo intii crypto ee uu diray meel ay martana la garanayn.

Qaladaadka badanaa la galo waxaa ka mid ah in qofku meesha uu hal eber qori lahaa uu qoro labo eber ama inuu cryptada uu dirayo uu ku diro address kii uu la rabay ahayn.

Cilladdan fat-finger ma aha mid crypto kaliya ku kooban oo 2018kii shirkadda Samsung waaxdeeda u qaabilsan maalgashiga halka ay 1000 lacagta won ee kuuriyada ku siin lahayd shaqaalaheeda Halkii saami ay siisay qofkiiba 1000 saami oo Shirkadda Samsung ah.

Qaladkaasi waxa uu ku fadhiyay ama uu noqday 2.83billion saami una dhiganta 112.6trillion won ama $150billion, lacagta intii badnayd waa la soo celiyay, balse qaar ka mid ah shaqaalihii ayaa durtaba iska iibiyay saamiyadii taas oo dhulka galisay saamiga shirkadda Samsung, dhacdadani waxay sawaxan iyo dood ka dhex aloostay maalgashadayaasha, maamulka iyo shaqaalihii shirkadda Samsung ka shaqaynayay.

Balse waxa ay crypto dheertahay dhacdadan Samsung waxaa weeye in crypto degdeg wax ay u dirmayaan lana soo celin karin meel ay ku dhacdayna la garanayn, taas oo ka dhigaysa adeegsadayaasha crypto kuwo ku khasaaraya hantidii ay Direen awoodna u lahayn soo celinteeda, waxaa dheer intaas qaladaadkan waxay u muuqdaan dadka ku jira public Blockchains-ka oo dhan.

Labo dhacdooyin oo ugu waaweynaa cilladda fat-finger

1- Lammaane qalad shirkad ka dhacay ku noqday millionaire.

Bishii May 2021kii shirkadda crypto.com ayaa si qalad ah ugu diray 10.47million($6.86million) Australian dollar ah lammaane Australian ah halka ay u diri lahaayenn AUD100 oo celis ah.

Qaladku waxa uu dhacay kadib marka mid shaqaalaha ka mid ah uu akoon qaldan uu galiyay Excel-ka.

Shirkaddu waxay ogaatay qaladka December 2021, balse lammaanihii waxay iibsadeen guri ilaa $900,000 ah waxayna hadyad ahaan u bixiyeen $660,000 iyaga oo moodaya in ay ku guulaysteen bakhtiyaanasiib online ah.

Ninkii ayaa isku dayay inuu si cad isaga indha tiro dhaca uu gaystay oo kadib marka uu markii qareenka shirkadda uu yidhi ma jiraan wax bakhtiyaanasiib ah oo aan bixinno.

Labadii lammaane ninkii waxa la xidhay 3 sano gabadhiina 18 bilood oo dhaqan celin ah ayaa loo diray.

2- shirkad 700 BTC si qalad ah u qaybisay

Sidoo kale May 2021kii, shirkad wax amaahisa BlockFi la dhihi jiray ayaa si qaldan u qaybisay 700 BTC.

BlockFi waxay soo bandhigtay lacag abaalmarin ah oo lagu bixin doono Gemini Dollar(GUSD) ahaan lana sii doono dadka qaar ee ku kaydsaday hantidooda shirkaddan siiba qaybta ribada leh.

Hasa ahaate qalad fat-finger ah oo la dhacay shirkaddan ayaa waxay abaalmarintii ku bixisay Bitcoin iyada oo qaar ka mid ah maalgashadaaya ay heleen 700BTC.


        Adeegsade Reddit oo sawir ka qaaday 700BTC($34million) ee uu abaalmarinta ku helay xigasho: Reddit.

Badanaa dadka waa lagasoo ceshaday balse ilaa 100 maalgashade ayaa iska iibiyay Bitcointii.

Shirkaddii waxay kacday November 2022 kadib markii ay khasaaraha ka soo kaban wayday.

Sidee la isaga jiraa cilladda fat-finger

Mar walba oo aad lacag dirayso ama laguusoo dirayo dhawr jeer iska hubi address-ka aad wax ku dirayso ama laguugu soo dirayo.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×