Sida ay qabto shirkadda u qaabilsan cyber security-ga ee Recorded Future, kooxda Hackers-ka ah ee ka soo jeeda North Korea waxay dhaceen hanti gaadhaysa $3billion laga soo bilaabo 2017kii.
Kooxda BlueNoroff ee ah tuug magac xumada ku caan baxday ayaa masuul ka ahayd weerarro isdaba joog ahaa oo ay adeegsanayeen xeeladda phishing iyo xeelado kaleba laga bilaabo 2019kii, haddana waxa ay la soo baxeen virus cusub oo ay ku weerarayaan shirkadaha siiba kuwa adeegsada operating system-ka apple ee MacOS.
Sida ay sheegtay xog ay soo saartay shirkadda SentinelLabs, Virus-ka ay kooxdaasi adeegsanayaan waxay ku sheegeen inuu yahay ” Hidden Risk” ama khatar qarsoon isla markaana ku fidaya PDF-yada oo kolba darajo uu u tabayo, kooxda ka dambaysa ayaa adeegsata warar been ah iyo cilmibaadhisyo sax ah si ay u soo jiitaan shirkadaha iyo dadka u nugul in la dhaco.
Kadib marka aad cilmibaadhista soo dajiso waxaa si hoos ahaan ah ula soo degaya virus kaas oo shaqo galaya isla xilligaas.
Virus-kan waxa uu qabanayaa hawlo badan oo u sahlaya hacker-ka inuu computer-ka qofka la dhacayo uu meel fog ka maamulo isla markaana uu helo xogo xasaasi ah sida private-keyga akoonnada kala duwan.
Habka ay BlueNoroff u helaan xogaha xigasho: sentinelLabs
FBI oo ka digtay hackers-ka North Korea
FBI-da(Federal bureau of investigation) ayaa ka digtay hackers-ka BlueNoroff, Lazarus hacking group iyo kooxaha kale ee tuugta ah ee gacan-saarka la leh dawladda North Korea sannaddadii u dambaysay.
Bisha April 2022kii haayadda xeer fulinta iyo cyber security-ga ee (CISA) ayaa uga digtay shirkadda inay si taxadar leh uga digtoonaadaan dhibaatada ka soo gaadhi karta kooxahaas.
Digniintii kadib, kooxda BlueNoroff ayaa bilaabay olole ay ku beegsanayaan shirkadaha iyo bangiyada, kooxdan ayaa sameeyay ku dhawaad 20 domain oo bug ah si ay isaga dhigaan website-yo la aamini karo oo marka wax laga soo dagsado ay ugu dhacaan computer-ka dhacanaha.
Sidoo kale September 2024 ayay FBI sheegtay in kooxda Lazarus group ay sameeyeen xeelado ay ka mid ahaayeen social engineering si ay u dhacaan crypto, FBI-da ayaa sidoo kale sheegtay inay beegsanayeen tuugtu dadka shaqaalaha u ah shirkadaha cryptada iyaga oo u soo bandhigaya shaqooyin been ah.
Hadafka ay ka lahaayeen waxa uu ahaa inay xidhiidh la dhistaan shaqaalaha shirkadahan si loo aammino, kadib ay link-yo u diraan la xidhiidha shaqaalaysiintooda link-yadaas oo u sababaya in computers-kooda loo dhaco oo waxii hanti iyo xogo ku jirayba laga faarujiyo.
Cashar waxaan ka baranaynaa maqaalkan inaan mar walba ka foojignaanno link-yada aanan la hubin inaan taabanno iyo in aan wax baadhitaan aan ku samayn aan faraha la galin.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing