Bitcoin halving waa dhacdo lagu dhimayo qiimaha halkii block xallintiisa lagu siinayo dadka qodanaya Bitcoin (miners), waxaana la dhimayaa 50% taas oo keenaysa in Bitcoin-ta suuqa soo galaysa sidoo kale hoos u dhacdo 50%, waxayna dhacdadani dhacdaa afartii sanaba hal mar.
Waxaa isla marka uu halving-ku dhaco bilawda yaraan ku imata Bitcoin-tii suuqa soo galaysay, waxaa ka dhalan kara dhacdadaas kor u kac qiimaha Bitcoin ku yimaadda haddii xaaladda suuqa waxba iska badalin.
Block reward ama lacagta la siiyo miners-ka waxay badh noqotay 19 April, 2024 oo waxay imatay 3.125 BTC halkii block.
Bitcoin halving suuqa ma u fiican yahay?
Waxaa jira siyaabo kala duwan oo dad badan ay ugu arkaan inuu suuqa u fiican yahay, halka qaar kale ay u arkaan dhacdo xun.
Sicir bararka
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee ka dambeeya Bitcoin halving waa in laga hor tago sicir bararka.
Sicir bararku waa hoos u dhaca ku yimaadda waxyaabaha ay kuu gadayso lacag cayiman oo aad haysato xilli cayiman, tusaale ahaan Maraykanka waxa uu bangiga dhaxe sicir bararka ku ilaaliyaa 2% taas oo uu u arko inay u fiican tahay dhaqaalaha dalka.
Sidaa darteed Bitcoin halving waxay samaynaysaa dhimitaan 50% ah ku yimaadda Bitcoin-ta suuqa soo galaysa kadib Bitcoin ayaa sii noqon doonta wax naadir ah si ay u qiimo beelin. Balse tani kama dhigayso mid sicir bararka ka yaraysa cidda Bitcoin gadanaysa illeyn lacagtooda ayaa qiimo beelaysa e.
Faa’idada laga sameeyo Bitcoin ayaa sicir bararka ka celinaysa maalgashadayaasha cryptada, balse cidda rabta inay wax ku gadato ka celin mayso.
Rabitaanka Bitcoin loo qabo
Maadaama Bitcoin halving uu dhimayo 50% oo Bitcoin suuqa soo galysay ah waxay ka dhigaysaa Bitcoin mid naadir ah oo si adag lee helayo, taasu waxay kor u qaadaysa qiimaha Bitcoin oo mar walba oo halving dhaco Bitcoin cirka ayay isu shareeri jirtay.
Maalgashiga
Bitcoin looma filayn inay noqoto wax la maalgashado, balse waxay suuqa ku soo gashay inay ahaato wax alaabta lagu kala iibsado oo meesha ka saara waxyaabihii kale ee wax lagu kala gadanayay ee bangiyada ama shirkaduhu maamulayeen.
Waxay noqotay mid ay maalgashadayaashu ku soo hirtaan kadib markii ay ogaadeen in wax laga faa’idi karo.
Maalgashadayaashi ayaa ku dhiirraday inay hanti ka dhigtaan Bitcoin, waxaana abuurmay baahi aynan filanayn ciddii soo saartay Bitcoin.
Retailers-ka jeebka yar
Retailers-ku waa dadka Bitcoin badan aanan haysan balse waxyar haysta, iyana Bitcoin halving way saamaynaysaa inta Bitcoin ee ay haystaan, balse dadka Bitcoin inay wax ku gataan u adeegsada waxaa soo foodsaaraya baaxaa-deg ku yimaadda qiimaha Bitcoin halving-ka kadib oo qiimuhu is rogrogo.
Waa goorma Bitcoin halving-ka dambe?
Bitcoin halving-ka dambe waxaa la filayaa inuu dhaco 2028ka, xilligaas halkii block waxaa lagu xallin doonaa 1.625 BTC, halkii block xilligii ugu horreysay waxaa lagu xallin jiray 50 BTC 2009kii, kadib 4 halving ayaa dhacay oo kala ahaa:-
- Nov 28, 2012 oo 25 uu noqday.
- July 9, 2016 oo 12.5 uu noqday.
- May 11, 2020 oo 6.25 uu noqday.
- April 19, 2024 oo 3.125 uu noqday.
Laga bilaabo may, 2024 waxaa suuqa ku jiray ku dhawaad 19.7 million oo Bitcoin, waxaana mid qoditaan lagu helay ahaa 1.3 million Bitcoin.
Imisa Bitcoin halving ayaa hadhay?
Haddii Bitcoin ay ku socoto sida u qorshaysan oo ah afartii sanaba halving la sameeyo waxaa hadhay 29 halving, qiimaha halkii block ee Bitcoin waxuu hoos ugu soo dhici doonaa satoshi oo ah 0.00000001 BTC sannadka 2136, sidoo kale waxaa la filayaa in halka Satoshi ee ugu dambeeya la bixin doono sannadka 2140 ka hor halving-ka dhici lahaa.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing
Khadar Abdi
Iwant to join bitcoin
Gelle Bashir
welcome