Apple iyo saamaynta DeepSeek

deepseek
  • January 28, 2025
  • Comment 2

Waxaa hoos u dhacay suuqyada Maraykanka kadib markii China ay soo saartay DeepSeek oo ah software sida ChatGPT u shaqaynaya isla markaana qiime ahaan lagu sameeyay lacag ka yar $7 million sida ay sheegeen.

Apple, Meta iyo Amazon waa saddexda shirkadood ee ka badbaaday hoos u dhicii suuqa saamilayda ee Maraykanka ku yimid maalintii shalay ahayd, sabab la xidhiidha soo bixitaanka DeepSeek oo run ahaantii noqon doona mid tartan adag la gala shirkadda OpenAI ee soo saartay ChatGPT.

Apple(AAPL) ayaa ku xidhantay faa’ido ah 3.18% maalinkii 27aad ee January, halka shirkadda Meta (META) ay heshay 1.91% sidoo kale Amazon ayaa sigatay iyada oo inay khasaarto u jirsatay 0.24% kali ah.

Dhanka kale, saamiyada shirkadda samaysa chips-ka lagu tababaro caqliga macmalka ah ee Nvidia ayaa khasaare gaadhaya 17% gashay maalinkii shalay ahaa, iyada oo hawada ku cuntay lacag gaadhaysa $600 billion qiime ahaan, taas oo noqotay hoos u dhaca suuqyada saamilayda ee Maraykanka kii ugu waynaa abid.

Saamiyada shirkadda ay google ka tirsan tahay ee Alphabet Inc(GOOGL), ayaa iyadna hoos u dhacday 4%, halka Microsoft Corp(MSFT) iyo Tesla(TSLA) ay hoos u dhaceen 2.14% iyo 2.32% sida ay isugu xigaan waxaana sheegaysa xogta Tradingview.

                                             Suuqa saamilayda Maraykanka xigasho:- Tradingview

Bitcoin ayaa iyadna hoos u dhacday 3.16% gaadhayna $98,930 January 27keedii, halka guud ahaan suuqa crypto uu hoos u dhacay 2%, 24kii saacadood ee la soo dhaafay, CoinGecko waxay sheegaysa xilligaas ka dib in Bitcoin ay soo kabatay ilaa ay soo gaadhay $101,500.

DeepSeek model-kiisa ugu dambeeyay ee R1, ayaa ka dambeeyay hoos u dhaca suuqa saamilayda Maraykanka, kadib markii la arkay inuu xallinayo xisaabaadka, Code-na qori karo isla markaana uu si dabiici ah u fikirayo si ka wanaagsan sida barnaamijyada ay OpenAI soo saarto isaga oo qiimo ahaan ku kacay lacag yar oo lagu sheegay $7 million wax ka yar.

Andreessen Horowitz oo ah mid ka mid ah aasaasayaasha Marc Andreessen ayaa ku sheegay DeepSeek R-1 inuu la mid yahay sidii dayax-gacmeedkii Sputnik ee uu sameeyay Soviet Union-kii ruushka kaas oo noqday dayax-gacmeedkii u horreeyay ee hawada sare loo diro, isla markaana Dhaliyay tartan aad u adag oo kor u qaaday cilmiga hawada sare.

                                                                        Xigasho:- Rowan Cheung

DeepSeek waxay sheegtay in barnaamijkeedan uu ku baxay kaliya $6 million taas oo ka soo horjeedkeeda Maraykanku sheegay inuu $500 billion ku maalgaliyay shirkadaha AI-ga ah sida uu sheegay madaxweyne Trump toddobaadkii tagay.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×