Google oo dawladda Maraykanka xadgudub ku sheegtay

US Gemini misuse
  • January 31, 2025
  • Comment 0

Xogo ka soo baxay shirkadda Google ayaa tibaaxaysa in hackers dhinaca dawladda Maraykanka ka socda ay si xadgudub ah u adeesadeen Gemini AI si ay weerarro iyo hanjabaado dhinaca cyber-ka ah ugu gaystaan, balse ma aynan guulaysan.

Halka caqliga macmalka ah uu suuro galiyay fursado badan oo dhinac walba ah, Hal abuurka cusub mararka qaar waxa uu noqon karaa seef u adeegta hackers-ka ku waas oo si qaldan u adeegsanaya AI-ga.

Waaxda ka hortagga weerarrada dhinaca online-ka ee shirkadda Google ayaa soo saartay waraaq sheegaysa in Generative AI-ga loo adeegsaday si qaldan, iyaga oo shaaca ka qaaday sida kuwa hanjabaadaha ama weerarrada gaysanaya ay u adeegsadeen program-kooda Gemini.

Google ayaa sheegtay in isku day lagu rabay in Gemini la jabsado lagu guuldarraystay

Google ayaa tidhi halka ay kuwa na weeraraya ay isu dayeen inay jabsadaan Gemini, innagu ma aanan arag wax horumarin ah oo ay ku sameeyeen qaababka ay wax u weerarayaan kooxahani.

AI jailbreaking waxay ka dhigan tahay in program lagu shubo AI-ga kaas oo ka dhigaya AI-ga inuu ka jawaabo su’aalo aan caadi ahaan loogu talo-galin inuu ka jawaabo, waxaana ka mid ah inuu soo gudbiyo xogo shaqsiyadeed iyo inuu sameeyo waxyaabo amniga khalkhal galin kara.

                    Tusaale ka mid ah isku day programs-ka lagu jabsado AI-ga xigasho:- Google

Google ayaa sheegtay dhacdo ahayd, in koox dawladda u shaqaysa ay isu dayeen inay program khiyaamaya Gemini ay adeegsadaan si uga helaan adeeg “Coding” ah oo u qoraya wax ka baxsan xeerarka AI-ga, Google ayaa tidhi waxa uu ahaa isku day aan guulaysan maadaama Gemini uu ugu jawaabay hadal uu ka fiirsaday.

Sidee ayay u adeegsadeen Gemini hackers-ka dawladda ka socday

Google waxa ay sheegtay in kooxdani ay isku dayeen in Gemini ay ka saaciddo hawlaha weerarrada sharci darrada ah ee ay qabanayaan, oo ay ka mid ahayd xog ururin ay ku sameynayeen cidaha ay weerari rabaan, baadhitaanka meelaha nugul ee cidda ay rabaan ka gali karaan iyo program-yo qaldan inuu u sameeyo.

Google ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in koox dawladda iiraan taabacsan ay Gemini diiradda saarayeen si ay ugu adeegsadaan qabashada ol’oleyaal “phishing” ah kaas oo ka dhigan in dadka lagu jiheeyo website khaldan si looga helo xogaha shaqsiyadeed ee ay u adeegsanayeen website-ka original-ka ah. Waxaa kale oo ay Gemini u adeesadeen samaynta waxyaabo loo adeegsado cybersecurity-ga.

Dhibaca kale kooxaha hackers-ka ah ee taabacsan dawladda shiinaha ayaa Gemini u adeegsaday sixitaanka meelaha ka khaldan “code“-ka ay qoreen iyo sidoo kale horumarinta AI-ga.

Waxaa kale oo ay Gemini u adeegsadeen kooxahani baadhitaanka siyaabaha ay ku heli karaan cidda ay weerarayaan.

Sidoo kale kooxo hackers ah ok taabacsan North Korea ayaa Gemini u adeesaday marxalado badan oo ka mid ah weerarkooda min baadhitaan ilaa iyo horumarinta weerarradooda, warbixin ay Google soo saartay ayaa tidhi:-
” Waxaa kale oo ay Gemini u adeegsadeen baadhitaanka waxyaabo istiraateeji ah oo North Korea quseeya sida xogaha ciidan ee South Korea iyo cryptada“.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×