Maxaa sababay wareerka suuqa crypto ku dhacay?

Wareerka suuqa crypto
  • February 5, 2025
  • Comment 0

Dadka ka shaqaysta ama ka ganacsada suuqa crypto ayaa yidhi ” suuqu caqliyan uma dhaqmayo”, hadda ahaanna cid walba oo maalgashanaysa khalkhal ayaa soo waajahaya, inkasta oo Maraykanka laga taageerayo cryptada.

Suuqa crypto ma raacayo dawyadii lagu ogaa umana dhaqmayo sidii loo ogaa, suuqana waa uu ka saarayaa qofka ku cusub.

Suuqa waa lagu hoogay” ayuu soo qoray ganacsade suuqa crypto ka shaqaysta oo lagu magacaabo Sykodelic maalinkii 4ta February, waxa ay ganacsatadu ku dareen iyada oo Maraykanku taageerayo crypto haddana suuqu hoos ayuu u soo degayaa.

” Suuqa waxa uu waayay hab-raaciisii ama sababayntii — cid walba oo suuqa maalgashatay wareer ayaa soo waajahay”.

Ganacsadaha crypto ee The Bitcoin Therapist ayaa yidhi 4tii February ” wax ayaa ka qaldan qiimaha Bitcoin”.

Wareerku waxa uu yimid kadib saadaalin ballaadhan oo ay sameeyeen taxliiliyeyaal crypto iyo ganacsato crypto ka ganacsade dhammaadkii 2024, iyaga oo sheegay awoodda Bitcoin ee suuqa crypto inay cirka isku shareeri doonto marka Trump la caleemasaaro iyaga oo ka duulaya samaysashada uu Maraykanku samaynayo kayd Bitcoin.

Waxaa la filayay in xilligaas kadib suuqu uu u janjeedho dhinaca Altcoins-ka taas oo dad badan ay ugu yeedhaan altcoin season ama xilligii altcoins-ka.

Hadda ahaan awoodda Bitcoin ee suuqa crypto waxay joogtaa 61.47%, iyada oo ka korreysa intii taxliiliye Benjamin Cowen uu saadaaliyay bishii August ee 2024, isaga oo sheegay inay 60% gaadhi doonto inta altcoin season uu bilaaban.

Cryptocurrencies, Markets     Awoodda Bitcoin ee suuqa ayaa kor u kacday 2.91% toddobadii bari ee u dambaysay xigasho:- TradingView

Inkasta oo ay Bitcoin gaadhay meeshii ugu sarraysay oo $109,000 ay kor u dhaaftay 20kii January xilligii Trump la caleemasaarayay, waxaa muuqda in xilliyadan dambe ay kolba dhinac u jeesanayso, dhacdooyinka ganacsi ee waaweyn ee ka dhacaya suuqa ayaa saamaynaya kuwaas oo talada ugu jirin dadka suuqa ka ganacsada maadaama ay ka tisqaadaan dhacdooyinkii horey u soo dhacay.

3dii February, isbeddel ayaa ku dhacay suuqa maadaama Trump cashuur ku soo rogay dalalka kala ah Canada, Mexico iyo China, taas oo sababtay khasaarihii abid ugu waynaa taariikhda crypto.

In ka badan $2.24 Billion ayaa suuqa ka baxday muddo 24 saac ah, sida ay sheegtay xog ay soo saartay CoinGlass, inkasta oo dadka qaar ay sheegayaan in ilaa $10 billion ay gaadhi karto lacagtu.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×