Madaxa Tether oo sheegay in Bitcoin-ta luntay la soo celin karo.

Madaxa Tether oo sheegay in Bitcoin-ta luntay la soo celin karo.
  • February 9, 2025
  • Comment 0

Madaxa Tether Paolo Ardoino ayaa aaminsan in haddii la adeegsado Quantum computing in dib loo soo celin karo oo la hack-gareyn Karo akoonnada lumay ee Bitcoin ay ku jirtay Isla markaana lagu soo celin karo suuqa.

In kasta oo uu sheegay inay tahay waddo dheer.

Bitcoin walba oo ku jirtay wallets-ka ama akoonnada lunsan, marka lagu daro akoonka Satoshi (haddii uu nool yahay), waa la jabsan karaa (hack), si suuqa loogu soo celiyoPaolo Ardoino ayaa ku soo qoray bartiisa X maalinkii shalay.

Quantum computing wali uma dhawa inuu dib u soo cesho Bitcoin xilliyadan dhow

Quantum computing aad ayuu uga fog yahay wali inuu wax macne leh oo jabsashada Bitcoin qaab-dhismeedkeeda ah” ayuu raaciyay.

Quantum computing waa teknooloojiyad cusub oo awoodda hawlo xisaabeed adag waxyaabo badanna suuro galinaya oo ay awoodayn computers-ka caadiga ah.

Bitcoin-ta luntay ee ku jirtay akoonnada lunsan ayaa qatar ugu jirta in horumarka ku socda quantum computing-ka maadaama ay hantida ku jirta cidna ilaalinayn isla markaana akoonka ka wareejin karin.

Akoonnada hada shaqaynaya ee dadkii lahaa gacanta ku hayaan waxay u badan tahay in ay la qabsan doonaan ama samaysan doonaan difaac ka hortaga quantum computing-ka marka uu horumarkaas gaadho.

Waxaa kale oo uu yidhi sida aan horey u soo sheegnay in akoonnada active-ka ah ee shaqaynaya in loo wareejin doono address-yo ka difaaca quantum computing-ka.

Quantum Computing                                                                                 Xigasho:- Paolo Ardoino

Crypto Skull oo ah ganacsada crypto ayaa uu sheegay dadka bartiisa X kala socda in haddii la soo celiyo akoonnadii Satoshi suuqana lagu soo daayo hantidaas in ay suuqa crypto u celin doonto eber oo ah bartii uu ka soo bilawday.

Dadka qaar ee suuqa ku talaxtagay ayaa sheegay in Bitcoin-ta Satoshi lagu daayo meeshooda si looga celiyo dadka dhici raba.

Bishii July ee 2023ka, warbixin ay soo saartay Quantum Grad ayaa sheegtay Grover search algorithm — oo ah algorithm xawaare sarreeya kaas oo baadha xogaha aan kala soocneyn uu yahay xalka ugu habboon ee lagu baadhi karo furayaasha Bitcoin-ta luntay.

Inkasta oo uu hadalkiisa ku daray ” laga yaaba in ay qaadato malaayiin qubits si loo dhiso Grover’s algorithm shaqaynaya kaas oo si hakad la’aan ah u faagi kara oo soo heli kara Private keys-kii ama furayaashi Bitcoin-ta luntay“.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×