Cilmi-baadhis uu toban laab ku tilmaamay ayuu dhacdo u arkaa Markus Thielen haddii hoos u dhac ku yimaaddo xogta CPI-ga Maraykanka ee soo baxaya 12ka February ee bari in ay beenin doonto filashada dad badan ee Bitcoin isla markaana ay sababi doonto kor u kac.
Dadka suuqa crypto ka shaqaysta ayaa dilaya in wax isbeddel ah ku iman xogta CPI-ga Maraykanka, sidoo kale qaar ayaa filaya in uu hoos u dhici doono kaas oo sababi kara kor u kaca Bitcoin.
” Waxaa jira filasho hoos u dhaca CPI-ga, taas oo sababi karta kor kaca Bitcoin”. Madaxa shirkadda 10x Research Markus Thielen ayaa yidhi February 11keedii.
Bitcoin ayaa kor u kici karta haddii CPI-gu hoos u jihaysto
Thielen ayaa yidhi badanaa dadka suuqa crypto ku jira ayaa filaya 2.9% inuu noqdo sicir bararka sannadlaha ah.
Balse waxa uu ku daray Truflation inflation index oo ah indicator si toos ah ula socda sicir bararka Maraykanka ayaa hoos uga soo dhacay 3% oo soo gaadhay 2.1%, taas oo tilmaamaysa in sicir bararku si degdeg ah hoos ugu dhacayo.
” Haddii CPI-gu hoos u dhaafo 2.7% ama 2.8%, Bitcoin waxay heli kartaa kor u kac”, ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay inay tani tahay sababtii ay Bitcoin u kacday bishii January — ganacsatada suuqa crypto ayaa rajaynaya inay tani ahaato bishii saddexayn lahayd kor u kaca Bitcoin, balse haddii sicir bararku noqdo 2.9% oo aan bishii December wax iska baddalin jar ayay ka tuuri kartaa filashadooda.
Waxa uu yidhi tani Bitcoin way taageertay oo $10,000 ayay kor u kacday waxayna kor u dhaaftay $100,000 illaa uu Trump xilka qabanayay oo uu cashuuraha ku soo rogayay dalalka Canada, Mexico iyo China, taas oo hoos u rogtay awoodda suuqa.
Bitcoin oo kor u kacda $10,000 waxay u soo dhawaynaysaa figta sare
$10,000 oo kale haddii ay Bitcoin kacdo waxay ka dhigaysaa Bitcoin agagaarka $106,000, taas oo 3.5% u jirta figta u sarraysa oo ah $109,000 taas oo ay Bitcoin gaadhay waxyar ka hor caleema saarka madaxweyne Trump.
Bitcoin waxay socotaa $96,270 xilliga aan maqaalkan qorayno xigasho:- CoinMarketCap
Bitcoin waxay qiimo ahaan joogta hadda $96,270, iyada hoos u dhacday 1.58% toddobaadkan sida CoinMarketCap ay sheegayso.
Aasaasaha CryptoVerse ee Benjamin Cowen ayaa codeyn soo dhigay 11kii February bartiisa X oo loo kala codeynayay inay Bitcoin kor kacayso kadib soo daynta xogta CPI-ga, 51.7% oo ka mid ah 12,397 qof oo codaysay waxay doorteen kor u kaca Bitcoin xilligan.
Aasaasaha shirkadda MN capital Michael Van de poppe ayaa sheegay in mar dhow ay Bitcoin gaadhi doonto meeshii u sarraysay, iyada oo la mid noqon doonta kor u kaca dahabku uu sameeyay kuna gaadhay figtii u sarraysay Abid maalmahan dambe.
.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing