Stablecoin-ka BBRL oo uu soo saaray baanka Braza ee laga leeyahay dalka Brazil iyaga oo stablecoin-ka sameyntiisa u adeegsaday shirkadda Ripple, ayaa ahaan doona mid shirkadaha kaliya u bannaan inay adeegsadaan halka bangiyadu ay ku hanweyn yihiin in la ballaadhiyo adeegga.
Waaxda u maaraysa saamiyada ee dalka Brazil ayaa ansixisay Spot XRP ETF-kii ugu horreeyay, kaas oo noqonaya Spot ETF-kii ugu horreeyay ee dalkaas laga ansixiyo, taas oo keentay in qiimaha XRP uu ku dhawaad 8% kor u kacay 24kii saac ee la soo dhaafay.
Hashdex Nasdaq XRP Index Fund ayaa loo fasaxay ka ganacsigiisa kadib markii ay dawladda Brazil ansixisay, waaxda u qaabilsan saamiyada ee Comissão de Valores Mobiliários (CVM).
Si rasmi ah wali looma shaacin goorta la bilaabi doono ka ganacsiga B3 exchange ee Brazil laga leeyahay, maareeyaha Hashdex ayaa yidhi goordhow ayaan faahfaahin ka bixin doonnaa.
Hashdex waxay ayaa ku iibisa Brazil ETFs dhawr ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Bitcoin, Ethereum, Solana iyo sidoo kale maaliyadaha DeFi-ga ah, Web3-ga iyo metaverse.
Waxa ay ETF-kan Brazil la mid yihiin uun kuwii horey Maraykanka looga ansixiyay.
Maraykanku waxa uu aqoonsaday XRP ETF dhawr ah oo ay ka mid yihiin Nasdaq, Cboe BZX oo Coinshares la jirta, Canary Capital iyo Wisdom Tree.
Qiimaha XRP ayaa ka falceliyay dhacdooyinkan oo sameeyay kor u kac ag 7.8% maalin gudaheed qiimo ahaanna jooga haddadan aan wax qorayno $2.69, coin-kan xaduudaha ka tallaabay ayaa hadda 20% hoos uga soo dhacay qiimahii ugu sarreeyay ee uu gaadhay.
Bangi Brazil laga leeyahay ayaa soo saaraya stablecoin ku dhisan XRPL
Dhanka kale, Braza Group oo ah mid door weyn ku leh suuqa bangiyada ee Brazil ayaa soo saaraya stablecoin ku xidhan Brazilian Real oo ah lacagta Brazil waxayna ku dhisayaan Blockchain-ka Ripple ee XRP ledger.
“ Waxaan ku dhiirrannahay inaan suuqa keenno stablecoin kaas oo buuxinaya dhammaan xeerarka looga baahan yahay“, waxaa yidhi Marcelo Sacomori oo ah maamulaha shirkadda Braza Group 19kui February.
Stablecoin-ka ku xidhan lacagta Real-ka ee Brazil looguna magac daray BBRL, damaanaddiisana ay hayso Braza bank, kaas oo takhasus ku ahaan doona adeegyada caalamiga ah iyo wax kala iibsiga caalamiga ah.
“ In la soo saaro stablecoin sida BBRL ah laguna sameeyo XRP ledger, waxa uu u samaynayaa fursado suuqa Brazil isla markaana waxaa sees u noqonaya la qabsi ay la qabsadaan dalalka kale ee Maraykanka konfuureed iyo kuwa caalamkaba.”, Markus Infanger oo ah madaxweyne ku xigeenka shirkadda Ripple.
Stablecoin-kan waxaa hawshiisa la idleyn doonaa 3da bilood ee sannadkan 2025 ugu horreysa, ugu horreyn waxa kaliya loo oggolaan doonaa shirkadaha ka hor inta aan la ballaadhin ilaa uu ka gaadhayo ganacsiyada iyo macaamiishooda, ” dhammaadka sannadka dambe, waxaan rajaynaynaa in BBRL uu qabsado 30% suuqa Brazil”, Sacomori ayaa yidhi.
Stablecoin-ka BBRL ee Braza Group leedahay xigasho:- Braza Bank
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing