Ripple iyo sharciyadda ay ka heshay Dubai

Ripple-UAE
  • March 13, 2025
  • Comment 0

Maamulaha Dubai International Financial Center Arif Amiri ayaa sheegay in Ripple ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee Blockchain ku shaqaysa taas oo sharciyad ka heshay xaruun maaliyadeedka caalamiga ah ee magaalada Dubai (DIFC).

Shirkadda Ripple oo bixisa adeeg hufan kaas oo kuu fududaynaya inaad Blockchain-ka ku adeegato, ayaa waxay sharciyad buuxda ka heshay xukuumadda Dubai ee u qaabilsan adeegyada maaliyadeed ee magaaladaasi (DFSA), waxaana loo oggolaaday Ripple inay bixiso adeeg xuduudaha dalka ka gudba kaas oo fududaynaya ganacsiga caalamiga ah.

Sidoo kale Ripple ayaa dhinaceega baahisay helitaankeeda sharciyaddan muhiimka ah 13ka bishan march, sharcigaas oo u fasaxaya inay ka shaqeeyaan Dubai dhaxdeeda iyo aagga dhaqaalaha xorta ah ee dubai kaas oo leh sharciyadiisa u gaarka ah iyo cashuuro u gaar ah.

Warkan ayaa soo baxay kadib lix bilood markii ay shaacisay shirkaddu inay oggolaansho hordhac ah ka heshay DFSA bishii October 1deedii sannadkii tagay ee 2024ka, waxay xilligaas sheegtay Ripple inay ku dadaalayso helitaanka sharciyad buuxda kaas oo ay uga danlahayd ballaadhinta adeeggeeda maaliyadeed.

U fududaynta adeegyada maaliyadeed ee ku shaqeeya Blockchain-ka ganacsiyada Isutagga Imaaraadka Carabta

Sharcigan waxa uu Ripple u fududaynayaa inay gaadhsiiso adeegyadeeda maaliyadeed dhammaan ganacsiyada Isutagga Imaaraadka Carabta.

Shirkadda ayaa tidhi tani waxay u suurogalinaysaa cid kasta oo raadinaysa shirkad maaliyadeed oo adeegyadeeda u fududaysa inay helaan adeeg hufan oo turxaan la’.

Maamulaha shirkadda Ripple Brad Garlinghouse ayaa yidhi UAE waxay aad uga faa’idaysatay teknooloojiyadda iyo hal abuurka cryptada, waxaan ugu mahadnaqayaa bilawga fiican ee ay inoo sameeyeen iyo taageerada aan ka helnay.

Sidoo kale shirkadda Ripple ayaa sheegtay in baahida loo qabo adeegyada maaliyadeed ee caalamiga ah ay ku soo badanayso bariga dhexe, waxayna ku dareen baahidu kuma koobna kaliya adeegyada crypto balse waxaa kale oo loo baahan yahay adeegyo maaliyadeed oo wax lagu kala dirsado.

” Waxaan ku faraxsannahay in shirkadda Ripple ay dadaal qoto dheer galinayso magaaldan Dubai iyaga oo helay sharciyadda DSFA, taas oo ka dhigaysa shirkaddii ugu horreysay ee Blockchain ku shaqaysa isla markaan bixisa adeeg maaliyadeed ” Arif Amiri.

Waxaa kale oo uu raaciyay waxa sharcigan u fududaynayaa Ripple inay ka hesho fursado badan UAE dhaxdeeda ayna ku baahaan suuqyada kale ee bariga dhexe iyo waqooyiga Africa.

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×