“Bitcoin laga yaabaa inay khasaare laxaad leh u gaysato dadka suuqa kor ugu jira oo ay ku dhacaan Bull-run Trap haddii uu shiinuhu kor u sii qaado cashuuraha la isku dagaalayo maalmahan dambe.” Sidaa waxaa tidhi shirkadda QCP Capital.
Bitcoin waxa ay noqon kartaa mid khatar ah maadaama dagaalka cashuuraha ee hadda socda uu ka dhigi karo mid dadka suuqa kor u galaya lagu hodayo.
Maalmihii ugu dambeysay shirkadda QCP Capital waxa ay dadka barteeda Telegram Kala socda uga sheegaysay inay iska jiraan kor u kaca hadda ku yimid Bitcoin.
QCP : laga yaabaa falcelinta shiinuhu inay ka dhigto suuqa crypto mid dhaqaaqa ka xayiran.
Bitcoin iyo Altcoins-ka ayaa ku mid noqday suuqyada caalamiga ah oo kor u kacay 24kii saac ee u dambeeyay, aad ayuu u mahadsan yahay ayay tidhi shirkaddu madaxweyne Trump maadaama uu dib u dhigay hirgelinta cashuuraha.
Shiinuhu marka Horeba waxa uu ahaa mid isaga si gaar ah loo beegsanayay oo sharcigan dib u dhigga cashuurtu uu ku toosayn isaga, iyada oo Trump uu kor u sii qaadayo xaddiga cashuuraha taasi oo sidoo kale dalalka kalena cabsi-gelinaya.
QCP waxa ay qabtaa inuu xilligan ahayn xilli nasasho ee uu yahay xilligii loo diyaar garoobi lahaa tallaabada xigta ee uu shiinuhu qaadi doono.
” Iyada oo shiinaha kaligii la beegsaday, ganacsatada suuqu waxa ay ka warsugayaan falcelinta shiinaha” ayay tidhi QCP Capital.
” Laga yaabaa in aargoosiga shiinaha la dhaqan geliyo oo kor u kaca farxadda abuuray uu isu beddelo shirqool!” Ayay ku dartay.
BTC/USDT xigasho:- Tradingview
Dhacdooyinkan way soo cel-celinayaan dhaqaaqyadii aan suuqa ku aragnay toddobaadkan, Sida aan wada ogeyn, waxaa jiray xan tidhi in cashuuraha Maraykanku uu caalamka ku soo rogay dib loo dhigi doono 3 bilood, balse warkaas aqalka cad marka uu beeniyay waxa hoos u dhac xooggan ku yimid suuqa saamiyada waan u joognay.
Bitcoin waxay saami ka heli kartaa hantida lagala soo baxayo Lacagta Yuan ee shiinaha.
Qaar kale waxa ay sheegayaan in Bitcoin hanti soo geli doonto taas oo ka iman doonta qiimo-dhimista lagu sameeyay lacagta Yuan ee shiinaha taas oo ay sababtay dagaalka dhaqaale.
USD/CNY ayaa gaadhay meeshii ugu hooseysay muddo 18 sano ah.
” Shiinaha oo hoos u dhiga qiimaha lacagtiisa waa fursad ganacsi oo hadda lagu sii ogaysiiyay ” ayuu yidhi Sina oo ka mid ah aasaasayaasha shirkad maamusha maalgashiyada oo lagu magacaabo 21st Capital.
” Taariikh ahaan marka Yuan-ku hoos u dhaco, hantidii ku jirtay ku ma sii jirayso, qaar waxaa lagu maalgalin dahabka qaarna saamiyada caalamiga ah ayay gali, balse sannadkan waxaa dhacdo ah in bitcoin iyadna ay qaybteeda ka hesho lacagta laga la soo cararayo Yuan-ka.” Ayuu ku daray Sina.
Waxaa kale oo aan ognahay in madaxa haayadda SEC loo magacaabay Paul Atkins oo ah nin aad u taageera cryptada, taasi waxa ay faa’ido badan ugu jirtaa suuqa crypto iyo ganacsatadiisa waanan la socon doonna natiijadiisa.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing