PumpSwap oo ah exchange ay iska leedahy shirkadda Pump.Fun ayaa samaysay kor u kac 40% halka ay dhex martay lacag dhan $2.5B, waxayna jabisay rikoor lacagta khidmadda ah halka 500 oo akoon ay ka sameeyeen faa’ido $1million ka badan ka ganacsiga memecoins-ka.
DefiLlama oo haya isla markaana taxliiliya xogta decentralised exchange-yada ayaa sheegay in PumpSwap ay samaysay kor u kac gaadhaya 40% toddobaadkii aan soo dhaafnay ee April 6, laga soo bilaabo March 30keedii waxa dhex maray hanti dhan $1.8B.
Sida ay qabto shirkadda Dune waxay ku sheegtay xog ay soo saartay in PumpSwap ay jabisay rikoor kale iyada oo hal maalin la sameeyay 6.1million lacag-beddelid ah(Trades) April 12keedii, April 14keediina waxaa la Trade-gareeyay 5.7million mar.
Sidoo kale waxay shirkaddu gaadhay adeegsadaayaashii ugu badnaa oo ah 264,500 kuwaas oo 163,000 ay yihiin macaamiil hore iyo 101,500 oo ah kuwo cusub.
Pump.Fun akoonnada firfircoon xigasho:- Dune
April 15keeda, Pump.Fun waxa ay jabisay rikoor kale oo ah hantida dhex martay hal maalin gudaheed taas oo maanta noqotay $417.8million, halka dhalay ay ahayd $412.7million.
Hantida Pump.Fun dhex martay oo kor u kacday xigasho:- DefiLlama
Dakhliga shirkadda ayaa la kordhaya hantida dhex maraysa.
Dakhliga shirkadda Pump.Fun ayaa isna kor u kacaya maadaama hantida dhex maraysa shirkadda ay kor u kacday halka xog shirkadda Dune ka soo baxday ay sheegayso in khidmad dhab $1.05million ay qaaday shirkaddu April 14.
Faa’idada Khidmadda Pump.Fun xigasho:- Dune
Pump.Fun oo samaynaysa Milyaneerro.
Shaqsiyaadka sameeyay barnaamijka ma
aha kaliya kuwa faa’iday balse xogta Dune waxa ay sheegaysaa in 501 shaqsi ay heleen faa’ido dhan $1million midkiiba halka 9000 oo shaqsi ay heleen $100,000 midkiiba.
Akoonnadii ugu firfircoonaa 30kii beri ee u dambeeyay xigasho:- Dune
Akoonka ugu faa’idada badnaa waxa uu sameeyay 30 maalin gudahood hanti dhan $40.6million.
Memecoins-ku waa khatar aad ayayna u dhaqaaq badan yihiin haddaba akhriste aad uga fiirso inta aadan ka ganacsan ama Trade-gareyn.
Tani ma aha Talo bixin diimeed ama dhiirrigelin dhinaca memecoins-ka ah, inta aad wax ka ganacsan culimada kala tasho.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing