Automation: Mustaqbalka Shaqooyinka

  • June 17, 2025
  • Comment 0

Automation: Mustaqbalka Shaqooyinka

Dunida aynu maanta joogno, gaar ahaan dunida tignoolajiyadda, waxaynu marar badan maqalnaa “Automation”, oo ah in shaqooyinkii la Automate-gareeyo, lagana dhigo kuwo si iskood ah u fusha shaqooyinkii ay hore u qaban jireen bini’aadamka.

Tani waxay si toos ah u dhalinaysaa su’aasha ah: mustaqbalka shaqooyinka ma kuwo ay mishiino la wareegi doonaan baa, mise wali waa loo baahan yahay aadanaha?

Automation, waa hab lagu dardar-galinayo shaqooyinkii, loogana dhigayo kuwo automatic ah, oo si iskood ah u qabta shaqooyinka, iyadoo la adeegsanayo mishiino, iyo barnaamijyo AI ah.

Waxaynu tusaale cad u soo qaadan karnaa ATM-yada.

Waagii hore hadii aad u baahato inaad lacag la baxdid, waxaad ku khasbanayd inaad timaado xaruunta kuugu dhaw, waliba aad timaadid saacadaha shaqada, si aad ula baxdid lacagtaada.

Haatan ATM-yada waxay Automate-gareeyeen shaqadaas, iyadoo aad goor kasta iyo goob kasta oo ATM leh kula bixi kartid lacagtaada.

ATM-yada ayaa meesha ka saaray tiro shaqaalayaal ah, oo markii hore ka shaqayn jiray bank-yada, gaar ahaan qeybta lacag la bixidda.

Automation-kuna waa in shaqadii laga dhigo kuwo aan faragalin bini’aadameed u baahanin mar waliba.

Automation-ka waa kacaan mar hore bilawday, kana bilawday warshadaha wax-soo-saarka, iyadoynu haatan aragno in warshado badan ka shaqeeyaan mishiino iyo ropots-yo ka tiro badan dadka ka shaqeeya.

Shaqooyinka soo noq-noqda ee aan hal-abuurka u baahnayn sida xisaabiyaha, xamaalka, muruq-maalayaasha, iwm ayaa si sahlan, oo fudud loo bedeli karaa.

Halka meelo badan uu kaliya wax ka bedeli karo qaab ay shaqadu u dhacayso, isagooana ka maarmayn kormeer, faragalin, qorshayn, iyo hagidba.

Automation-ku ma baabi’inayo shaqadii, ee kaliya shaqadii uun-buu kala wareegayaa aadanaha.

Mustaqbalka shaqooyinku waxay u baahan yihiin shaqaale leh xirfado cusub, maskax fur-furan, iyo karti la jaanqaadi karta dunida cusub ee digital-ka ah.

Gabagabadii

Daraasado badan ayaa waxay sheegayaan in ilaa 40% shaqooyinka hadda jira la Automate-gareyn karo sanadaha soo socda.

Isla waqtigaasna, ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in ay abuurmaan malaayiin shaqo oo cusub oo tignoolajiyad uun ku saleysan.

Automation-ku waa mid bedeli doona shaqooyin badan oo badan mustaqbalka, shaqaalayaal badan, oo u badan muruq-maalayaal, waxaa badeli doona Automation-ka.

Sidaa darteed, qof kasta waxaa la habboon inuu barto xirfado cusub, oo la jaanqaadaya is-bedeladaas soo socda, gaar ahaan xirfadaha la xidhiidha tignoolajiyadda.

Academy-deena waxaad ka baran kartaa tiro xirdafo ah, oo badankood la xihdiidha tignoolajiyadda. Booqo bogga koorsooyinkeena, oo xulo mid ama dhowr ka mid ah koorsooyinkeena, adigoo gujinaya badhankan hoose ⬇️.

Booqo bogga koorsooyinkeena, oo xulo mid ama dhowr ka mid ah koorsooyinkeena, adigoo gujinaya badhankan hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *