Sidee affiliate marketing lacag lagu sameyaa?

  • May 1, 2025
  • Comment 0

Affiliate marketing waa fursad weyn oo laga sameeyo dhaqaalaha ugu badan internet-ka. Uma baahnid aqoon sare ama khibrad dheer, waxa keliya oo muhiim ah waa dadaalkaaga. Qaabab kala duwan ayaad ku heli kartaa lacag, adigoo u xayeysiinaya badeecooyin iyo adeegyo shirkado ama companyo kala duwan.

Ma aha inaad leedahay website ama blog. Waxa aad si fudud uga shaqayn kartaa baraha bulshada sida WhatsApp, Facebook, YouTube, iyo kuwa kale. Haddii aad leedahay WhatsApp group, waxaad ku wadaagi kartaa linkiyada ay shirkaddu ku siiso, adigoo si fudud macaamiil uga samayn kara. Sidoo kale, waxaad si la mid ah uga shaqeyn kartaa baraha kale ee bulshada.


Sideen Ku Heli Karaa Affiliate Link?

Haddii aad rabto inaad bilowdo affiliate marketing, raac talaabooyinkan:

1. Iska Diiwaan Gali Shirkadda Aad Rabto

Dooro shirkadda aad rabto inaad badeecadeeda u xayeysiiso, kadibna iska diiwaan gali. Shirkaddu waxay kaa codsan doontaa in aad buuxiso shuruudo sahlan sida inaad la wadaagto blog-kaaga ama halka aad rabto inaad ku xayaysiiso.

2. Hel Link Affiliate Kuu Gaar Ah

Marka shirkaddu ku aqbasho, waxay ku siineysaa link affiliate kuu gaar ah. Linkigaas ayaad adeegsan doontaa marka aad dadka ugu xayeysiinayso badeecada. Waxay sidoo kale ku siineysaa account aad dhaqaale ahaan wax kaga socoto.

3. Ku Xayaysii Badeecada Baraha Bulshada

Markaad heshay link affiliate-ga, waxaad u isticmaali kartaa aaladaha aad hore u leedahay sida:

  • YouTube channel

  • Facebook page ama group

  • Personal blog ama website Ku dar linkiga affiliate-ga ee aad heshay qoraal, muuqaal ama sawir kasta oo aad la wadaagayso dadka.

4. Hel Komishan Marka Qof Wax Ku Iibsado Link-gaaga

Haddii qof raaco link-gaaga oo wax ku iibsado, shirkaddu waxay ku siineysaa komishan. Tusaale ahaan, shirkado qaar waxay bixiyaan ilaa 30% faa’iido ama xitaa ka badan. Qaddarka komishanka wuu kala duwan yahay shirkad ilaa shirkad.


10-ka Shirkadood ee Bixiya Affiliate Commission Fiican

Halkan waxaa ku qoran toban ka mid ah shirkadaha ugu fiican ee bixiya barnaamijyada affiliate:

  1. Amazon Associate – Shirkad caalami ah oo iibisa badeecooyin digital iyo physical ah. Waa meesha lacagta ugu badan laga sameeyo affiliate marketing.

  2. Shopify – Waa shirkad weyn oo E-commerce ah. Qof walba oo link-gaaga u maraya uu website ka sameysto Shopify waxaad ka helaysaa $150.

  3. Impact – Waxay isku xirtaa shirkado iyo suuq-geynayaal. Waxaad ka heli kartaa 2,500+ shirkadood.

  4. Adobe – Waxay bixisaa software sida Photoshop, Premiere Pro iyo Illustrator. Waxay bixisaa ilaa 85% commission.

  5. Coursera – Platform waxbarasho online ah. Waxaad ka helaysaa 20-40% commission marka qof course link-gaaga ku iibsado.

  6. ClickBank – Waxay iibisaa digital products sida eBooks iyo online courses. Waxay bixisaa commission fiican.

  7. CJ Affiliate – Waxay isku keentaa shirkado badan sida Samsung. Waa meel laga sameeyo dhaqaale badan.

  8. Alibaba Affiliate – Waxaad iibin kartaa badeecooyin jumlo ama tafaariiq ah. Waxay bixisaa commission fiican.

  9. Rakuten Advertising – Waxay xayeysiiso shirkado waaweyn sida Walmart. Waxay bixisaa commission wanaagsan.

  10. Binance Affiliate – Waa platform weyn oo cryptocurrency ah. Waxay leedahay sumcad wanaagsan iyo barnaamij affiliate faa’iido leh.


Affiliate marketing waa fursad dhab ah oo internet-ka lagu kasbado dakhli joogto ah. Bilow maanta, dadaal, una adeegso aaladaha aad hayso si aad u hesho natiijo wanaagsan!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×