Noocyada Suuqgeynta Muuqaalka ah

Noocyada Suuqgeynta Muuqaalka ah
  • January 7, 2023
  • Comment 1

Noocyada Suuqgeynta Muuqaalka ah

Noocyada Suuqgeynta Muuqaalka ah

Xeelado kasta ama yoolal kasta oo aad dejiso si aad u xoojiso suuq-geynta elektaroonigga ah, ganacsigaaga ama shirkaddaada, ma noqon doonto mid waxtar u leh sidii loo baahnaa, ilaa ay leedahay suuq-geyn muuqaal ah, oo ah nooca ugu badan ee suuq-geynta xilligan la joogo. Suuqgeynta muuqaalka ah ayaa khubarada suuqgeynta ay u arkaan inuu sii socon doono muddo ka dib, waana mid ka mid ah isbaddallada saameynta weyn leh, marka loo eego tirakoobyo badan oo la sameeyay, oo ay ku jiraan kuwan soo socda.

Tirakoobyada

      • Sannadka 2020, fiidiyowyadu waxay xisaabtameen in ka badan 20% tirada guud ee booqashooyinka isticmaaleyaasha internetka.
      • 83% dadka aduunka ku nool waxay daawadaan muuqaalada todobaad walba, halka 60% tirada guud ee dadka aduunka ku nool ay sidoo kale daawadaan muuqaalada maalin kasta.
      • Waxaa jira tirokoob ah in 55% dadka aduunka ku nool ay xiiseeyaan waxa la bixiyo hadii uu yahay mid muuqaal ah in ka badan waxyaabaha kale ee la bixiyo.
      • Marka loo eego tirakoobka Google-ka, 50% dadka qarnigan waxay aaminsan yihiin waxyaabaha ku jira Youtube-ka, sidoo kale waxaa la sheegaa in 65% muuqaallada youtube-ka ay ka daawadeen ay wax ka baddaleen aragtidooda ku aaddan dunida dibaddeeda.
      • Isticmaalayaasha YouTube-ka waxay maalin kasta daawadaan 800 milyan oo saacadood.
      • Facebook-ga, oo ay isticmaalayaashooda daawadaan in ka badan 200 milyan oo saacadood maalintii.
      • In ka badan 700 milyan oo qof oo Facebook ah ayaa daawada muuqaalada maalin kasta.
      • Goobta Snapchat, isticmaalayaasha madashan waxay isticmaalaan in ka badan 10 bilyan oo muuqaal ah maalintii.
      • Barta Twitter-ka, 85% isticmaalayaasha madashan ayaa isticmaala nuxurka muuqaalka ah.

Sii Daalaco: Waa Maxay Marketing? Iyo Qaybihiisa Kala Duwan

Noocyada Suuqgeynta Muuqaalka ah

Waxaa xusid mudan in suuqgeynta muuqaalku leeyahay noocyo badan oo aad u isticmaali karto xeeladahaaga suuqgeyneed ee kuu gaarka ah.

      • Video blogging: ama waxa loo yaqaan blogging muuqaal ah, waa nooc ka mid ah blogging-ka, kaas oo muuqaalku yahay aaladda ugu muhiimsan ee fikradaha lagu soo bandhigo, halka nuxurka intiisa badan ama dhammaantii ay yihiin mid muuqaal ah.
      • Video Interview: Waxaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo waraysiyo muuqaal ah oo lala yeesho dadka saamaynta leh, ama sidoo kale khubarada, si ay ugala hadlaan alaabooyinka iyo adeegyada aad bixiso, iyo sidoo kale go’aamada shirkadda.
      • Educational videos: Siinta daawadayaasha agab waxbarasho oo faa’iido leh oo la xidhiidha alaabtaada iyo adeegyadaaga, oo inta badan noqota sharaxaad ku saabsan sida loo isticmaalo badeecada ama adeegga.
      • Presentation video: Muujinta (xogta, natiijooyinka, macluumaadka iyo cilmi-baarista) ee aad bixiso, kama hadlayo qaab soo bandhigidda iyadoo la adeegsanayo PowerPoint, laakiin waxaan ka hadlayaa qaab soo bandhigidda iyadoo la isticmaalaya qaab muuqaal ah.
      • Video product demos and reviews: Noocan, waxaa loo sameeyaa si loo muujiyo alaabtaada, iyo khibradda isticmaalka macaamiisha, iyo bixinta dib u eegis dhamaystiran oo ku aadan alaabta.
      • Video ads: waa muuqaallo loogu talagalay suuq-geynta iyo xayeysiinta badeecada ama adeegga, waxayna aad ugu eg tahay xayeysiisyada telefishinnada ee aynu arki jirnay yaraanteenii, laakiin farqiga u dhexeeya ayaa ah in xayeysiisyadani ay yihiin kuwo ku jiro internetka oo uu sidoo kale ka gaaban yahay muddada uu soconayo.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×