Sideen U Joojin Karaa Isticmaalka Xad Dhaafka Ah Ee Tignoolajiyada?

Sideen U Joojin Karaa Isticmaalka Xad Dhaafka Ah Ee Tignoolajiyada?
  • January 17, 2023
  • Comment 0

Sideen U Joojin Karaa Isticmaalka Xad Dhaafka Ah Ee Tignoolajiyada?

Sideen U Joojin Karaa Isticmaalka Xad Dhaafka Ah Ee Tignoolajiyada?

“Ujeedada talefanka casriga ah ama tignoolajiyada guud ahaan, waa in ay noo adeegaan ee ma aha in ay xakameeyaan nolosheena.”

Maqaalkeena maanta, wuxuu daaran yahay tignoolajiyada, oo aynu ku kala dhigayno saamaynta ay leedahay iyo ka faa’idaysigeeda taban iyo tan togan.

Sideen Ku Ogaan Karaa In Tignoolajiyada Ay Iga Faa’iidaysanayso Halkii Aan Uga Faa’iidaysan Lahaa Faa’iidadayda?

Aan ku weydiiyo su’aalo qaar:

      • Waxa ugu horreeya ee aad samayso, marka aad soo toosto, ma tahay in aad eegto telefoonkaaga?
      • Ma hubisaa app-yada warbaahinta bulshada marar badan maalintii?
      • Miyaad waqti badan ku bixisaa daalacashada baraha bulshada adigoon is-ogayn?
      • Taleefankaaga ma ku isticmaashaa musqusha?
      • Ma dhageysataa podcasts maalinta oo dhan?
      • Ma dareentaa caajis markaad kaligaa tahay?

Haddii aad kaga jawaabtay “haa” mid ka mid ah su’aalahan; Waxay la macno tahay in tignoolajiyada ay kaa faa’iidaysanayso.

Miyayna Ahayn In Tignoolajiyadu Ay Naga Dhigto Mid Wax Soo Saar Badan Leh?

In kastoo tignoolajiyadu ay cilladi leedahay, hadana waxaa hubaal ah in ay wax soo saarkeeni kor u qaadday, cid dafirsana ma jirto in ay wax ku soo kordhisay horumarka adduunka, laakiin wax kastaaba xad buu leeyahay, xadkaasna waxa aynu ka gudubnaa marka aynu u oggolaanno in ay nolosheenna gacanta ku hayso oo ay saamayn ku yeelato. Qof kastaa wuu ogyahay in xad-dhaafka caado kasta oo xun ay kaa dhigi doonto mid la qabatimay, laakiin qofna sidaas oo kale ma odhanayo isticmaalka tignoolajiyada. Faa’iido ma leh inaad hubiso taleefankaaga 200 jeer maalintii, mana aadan noqonin mid wax soo saar leh marka aad daawato muuqaalada YouTube-ka ee aan tooska ahayn 3 saacadood maalintii.

Sideen U Joojin Karaa Isticmaalka Xad Dhaafka Ah Ee Tignoolajiyada?

Dadka intiisa badan ayaa si isa soo taraysa uga warqaba dhibaatooyinka ay keento tignoolajiyada, mar marka qaarna, dhamaanteen waan ku daalnaa isticmaalkeeda markasta; Maskaxdeenu ma xamili karto cadaadiska noocaan ah.

Haddii aad rabto inaad bedesho hab-dhaqankaaga, waxa fiican inaad beddesho qaab nololeedkaaga gabi ahaanba, Mid ka mid ah waxyaabaha aan si joogto ah u sameeyo ayaa ah xannibaadda shabakadaha mashquuliya kumbuyuutarka markaan shaqeeyo, waxaanan dareemaa feejignaan dheeraad ah.

Gabagabadii

Qofna ma dhahayo waa inaad ka saartaa tignoolajiyada noloshaada weligeed; Hase yeeshe, u arag mid ka soo bilaabmaya eber. Waxaan si joogto ah isu weydiiyaa; Waa maxay tignoolajiyada runtii noloshayda horumarinaysa?

Runtu waxa ay tahay in aynu dhamaanteen la qabsanayno nolosha casriga ah, sababta oo ah wax kastaa waxa ay u socdaan si xawli ah, waxa aanu u baahanahay in aanu si degdeg ah u socono, laakiin hadii aynaan wakhti ku qaadan in aanu wax walba ka shaqayno oo aan is waydiino “waa maxay ujeedada farsamadan? ” Waxaan halis ugu jirnaa inaan ku lumino adduun dijitaal ah oo yeelan kara saameyn xun.

Haddaba ka hor inta aanad taleefankaaga soo saaran, oo aanad daalacan maqaal, podcast, muuqaal ama baro bulsheed, weydii naftaada: waa maxay ujeeddada tallaabadan? Wax badan ka fakar sababta ka dambeysa wax walba, maadaama tani ay tahay habka kaliya ee aan ugu noolaan karno nolol ujeedo leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×