BINANCE OO AFRICA ADEEG CUSUB KEENTEY “One Click Buy and Sell” (OCBS)

  • August 23, 2024
  • Comment 0

Binance oo Africa Kusoo Kordhisey Adeeg Cusub (OCBS)

Shirkada Binance ayaa qaar ka mid ah wadamo dhaca qaarada Africa ka hirgalisey adeeg cusub oo la yiraahdo “One Click Buy and Sell” (OCBS) , adeegan wuxuu u ogalaanayaa dadka ku nool wadamada Ghana, Tanzania, Uganda, iyo Zambia in ay ku iibsadaan (Buy) ama iskaga iibiyaan (Sell) Crypto-taha ayagoo isticmaalayo lacagaha Mobilka (Mobile Money) .

Hadaan aan kusii faahfaahiyo, waa adigoo Soomalia joogo oo EVC, ZAAD, SAHAL AMA E-dahab ku iibsadey Crypto adigoona la xiriirin Sarifle, Bank ama aadan App isticmaalin ee si toos ah aad Appka ama Website-ka Binance oga adeegatey .

Soomaalida ku nool wadamadaas aan kor kusoo xusey, waxey si toos ah oga faa’ideysan karaan adeegan cusub ee Binance soo kordhisey.

Waxaan sidoo kale fiicnaan lahayd in lagu soo daro wadamada Kenya, Somalia , Ethiopia iyo Djibouti si Soomaalida ku nool wadamadaas ay suuqan Crypto-taha maalgashta ama Trade gareeya ay oga faa’ideystaan.

Waa kuwaan sawiro uu Binance oo website kooda kusoo bandhigey , marka la iibsano Crypto-taha adoo isticmaalayo lacagta Mobile ka.

Sawirka labaad waxaa oga jeedaan lacagta GHS (Ghanaian Cedi) oo si toos ah oga soo muuqaneyso Website Binance.

Igu danbeyntii, Wadama Yurub iyo USA lagama isticmaalo lacagta Mobile ka , runtii Africa aad bey ugu horeysaa lacagta danabeysan ee Mobile ka ku jirta taas oo la micno ah, mardhow dadka Africa jooga baa si fudud oo dhaqso ah u iibsan karo lacagaha Crypto-taha.

Adeegan Mobile Money ga waxaa aad ugu horeeya Wadankeena Soomaliya taasna waxey la micno tahey in Team Crypto ee wadanka ku nool mardhow si fudud ola falgali doonaan suuqyada Financial Markets ka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×