Bitcoin, Dahab iyo Dollar

  • December 5, 2024
  • Comment 3

Bitcoin lama tartamayso dollarka balse waxay la tartamaysaa dahabkaJerome Powell

Madaxa bangiga dhaxe ee maraykanka Jerome Powell ayaa meesha ka saaray aragtida ay dadku u arkayaan kor u kaca Bitcoin inuu meesha ka saarayo saamaynta dollarka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Bitcoin ay tartan toos ah kula jirto dahabka ayna qatar ku tahay balse aynan waxba u dhimayn dollarka Maraykanka.

” Dadku waxay Bitcoin uga shaqaystaan si saadaalin ah sida dahabka oo kale uun weeye balse waa ili maqabatay” Jerome Powell ayaa yidhi isaga oo ka hadlay kulan New York lagu qabtay 4tii December.

Waxaa kale oo uu yidhi ” dadku uma adeegsanyaan Bitcoin inay wax ku bixiyaan ama ay kayd ahaan u gataan, maadaama uu dhaqaaq badan leeyahay dollarka dhib kuma ahan balse dahabka ayuu saamayn karaa”.

Madaxa bangiga dhaxe ee maraykanka ayaa hadalkan mid u eg yidhi hadda ka hor, isaga oo Bitcoin Barbardhigaya dahabka 2021kii xilligaas oo Bitcoin ay ahayd $58,200.

Cryptada aad ayay u dhaqaaq badan tahay sidoo kale waxa ay ku salaysan tahay ma leh” Jerome Powell.

Hadalkaas xilligii uu yidhi ka dib Bitcoin waxa ay kacday 70% sidoo kale dahabka ayaa kacay 52%.

Wariye ka shaqeeya wargayska New York Times ayaa waydiiyay Jerome inuu haysto Bitcoin waxa uu ugu jawaabay ” la iima oggola“.

Sidoo kale Powell ayaa sheegay inuu dhib u arag shirkadaha cryptada ka shaqaysta ee la tacaamulaya bangiyada illaa haddii ay qatar ku noqdaan caafimaadka wadashaqaynta maahin e.

Waxyaabaha kale ee la waydiiyay waxaa ka mid ahaa ilaalinta amniga adeegsadayaasha crypto waxa uu yidhi Powell ” Taas innagu si toos ah uma maamulno“.

Bitcoin 415 jeer ayaa lagu sheegay mid suuqa ka bixi doonta haddana $100k ayay dul martay.

Qiimaha Bitcoin ayaa shalay ku soo laabtay $99k kadib maalmahan oo hoos uu ku maqnaa, haddase $100k waa dhaafay.

Kor u kacan xooggan ee Bitcoin ku socdaa waxaa sababta u wayn ah guusha Trump iyo taageerada uu siinayo cryptada.

Guusha Trump ayaa sababtay in uu isbadal ku sameeyo golaha cabinet-ka, isaga oo u magacaabay Scott Bessent oo ah maamule shirkad maalgashi iyo Cantor Fitzgerald maamulka shirkadda Howard Lutnik inay hoggaamiyaan waaxda khayraadka iyo ganacsiga ee dalka Maraykanka, iyaga oo noqonaya taariikhda cabinet-ka kuwii cryptada ugu taageero badnaa.

Trump waxa uu il gaar ah ku eegayay qaraarrada uu Jerome Powell soo saarayo balse Jerome ayaa yidhi isma casilayo haddii uu isku dayo inuu meesha iga saaro.

Dhanka kale, Trump ayaa u doortay taageere Bitcoin paul Atkins inuu noqdo madaxa haayadda securities and exchange commission (SEC ), kadib markii uu Gary Gansler sheegay inuu is casili doono marka Trump madaxweynenimada loo caleemasaaro January 20keeda.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing   

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×