Bitcoin oo $1trillion kor martay Ethereum

  • October 20, 2024
  • Comment 0

Bitcoin ayaa lacagta dhex taalla kor u dhaaftay $1trillion lacagta dhex taalla Ethereum, mid ka mid ah dadka falanqeeya suuqanna uu sheegay inay tahay farqigii ugu waynaa ee u dhaxeeya labada crypto.

Bitcoin lacagta dhex taalla ayaa gaadhay $1.35trillion, hadda waxa uu $1trillion ka korreeyaa Ethereum oo kaliya ay dhex taallo $318.43billion, kadib marka qiimaha halkii Bitcoin uu kor u dhaafay $68,000.

Korriinka ah 8.9% ee lacagta Bitcoin dhex taalla ay samaysay laga bilaabo October 12keedii waxay sheegaysaa in Bitcoin saadaal kor u socod ah loo saadaalin karo.

                                                                               Xigasho: CoinMarketCap

Bitcoin oo $1trillion ka kor martay Ethereum

Ethereum lagacta dhex taalla waa $318.43billion.

Tani waxay imanaysa kadib marka qiimaha Bitcoin uu $67k kor u dhaafay laga bilaabo July 28keedii , sida xogta Tradingview ay tibaaxayso.

Cryptocurrencies, Market Capitalization

                                                                               Xigasho: Tradingview

Sannadkan aan ku jirno May 21keedii ayay Bitcoin lacagta dhex taalla ay meeshii ugu sarraysay gaadhay oo ah $1.41trillion.

Hadda ahaan Bitcoin waxay kaalinta 10aad kaga jirtaa shirkadaha hantida badan haysta oo waxa ay hal kaalin ka dambaysaa shirkadda Meta platforms sida Facebook oo ay dhex taallo hanti dhan $1.4trillion.

Cryptocurrencies, Market Capitalization

                                                                               Xigasho: CompaniesMarketCap

Dahabka ayaa kaalinta koowaad ku jira isaga oo ay dhex taallo hanti dhan $18.38trillion sida uu sheegayo wargayska CompaniesMarketCap.

Maalgashade Bitcoin isla markaana ah taxliiliye Fred Krueger ayaa yidhi “Waxaan qiyaasan karnaa in lacagta dhex taalla Bitcoin ay gaadho $100trillion sannadda 2040, taas oo ah 76 jibaarka $1.3trillion, si kale haddaan u dhigo qiimaha Bitcoin waxa uu gaadhi doonaa $5million.”

Sidoo kale taxliiliyaha cryptada ee Dylan LeClair ayaa dhiibtay saadaal tan kore la mid ah October 15keedii isaga oo waraysi uu siinayay Fox bussiness ku yidhi ” Tani waa fikrad u qalanta $100trillion, tani teknooloojiyad u qalanta $100trillion.” isaga oo ula jeeda Bitcoin.

Dhinaca kale dad ka ganacsada Bitcoin ayaa dhiibanaya fikrado lid ku ah kuwa aan soo sheegnay oo waxa ay leeyihiin ma jiraan calaamado sheegaya kor u socodka Bitcoin oo in wakhtiga uun laga war hayo ay tahay.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×