Bitcoin oo xaalku ku xun yahay!

Bitcoin
  • February 25, 2025
  • Comment 2

Qiimaha Bitcoin ayaa hoos u dhacay 6% maanta oo aan joogno 25ka February, waxa uuna ku sok noqday $90,000, taas oo suurogal ka dhigaysa hoos u dhac ka weyn kan hadda.

Xog ka soo baxaysa wargayska Cointelegraph Markets Pro iyo Coinbase ayaa sheegaysa in qiimaha Bitcoin uu hoos uga soo dhacay $96,600 23kii bishan isla markaana uu gaadhay $87,600 taas oo u dhiganta hoos u dhac ah 9.3%.

                                                         Tusaha BTC/USDT xigasho:- Tradingview

Hoos u dhacan ayaa keenay in la is weydiiyo su’aal ah qiimaha Bitcoin ilaa intee ayuu hoos u dhaci karaa?

Bitcoin dib ma ugu laaban kartaa $70,000?

Bitcoin waxa ay jabisay meel u ahayd support ama ahayd meel ay ka kacdo mar walba oo ay hoos u dhacdo, iyada oo laga dheehan karo hoos u dhac socon kara ilaa $70,000.

Waa inaad ogaataa in qiimaha Bitcoin lagu hayay in ka sarraysa $90,000 ilaa November 25keedi sannadkii tagay.

Sidoo kale maqaal ay AlphaBTC ay ku soo qoreen bartooda X ayay ku sheegeen in Bitcoin haddii ay hoos u dhaafto $90k ay gaadhi karto $80k ilaa $70k.

“Hoos u dhac kasta oo gaadha $80k agagaarkiisa waxa uu suuro galin karaa in BTC ay dib u soo milicsato qiimaheedii hore ee $70k“, ayay yidhaahdeen.


                                                                Tusaha BTC/USDT xigasho:-AlphaBTC.

Aasaasaha shirkadda MN Capital ee Micheal Van de poppe ayaa ka dalbaday dadka kala socda bartiisa X , inay argagaxin oo Isaga oo ku doodaya in Bitcoin ay qaadi rabto dhammaan liquidity-ga taalla aagga $90,000.

                                                Tusaha BTC/USDT xigasho:- Michael Van de poppe

Dhanka kale dad badan ayaa suuqa ka soo galaya aagga $80k sida uu sheegayo wargayska CoinGlass.

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×