Blockchain, si aanan horey loogu faafaahin.

  • September 3, 2024
  • Comment 0

Blockchain, waa sanduuqyo ay ku kaydsan tahay dhammaan xogta la xidhiidha maaliyadda ay laba qof kala wareejisteen, sanduuq walbana midka kale ku xidhan yahay.

Blockchain inta aanan faah-faahin inyar taariikhdiisa aan isdul taagno.

Taariikhda Blockchain

1991kii, aqoonyahanno lagu magacaabi jiray Stuart Haber iyo W.scott Stornetta ayaa soo if-bixiyay Blockchain, balse uguma talo galin in hab maaliyadeed loo adeegsado, waxay xallinayeen dhib ka haysatay dhinaca xogta waqtiyaynteeda ama in document walba la garto xilligii saxda ahaa ee la kaydshay oo aynan dhicin qalad dhinaca waqtiga ah, sidaa darteed waxay aas-aaseen Blockchain iyaga oo garabsanaya teknooloojiyadda cryptography, xilligaas ka dib document-yadii waxay ku kaydsameen sanduuqyo xogeed isku xidhan oo waqtigeeduna lumaynin.

1992kii, Merkle Trees ayaa isna horumarin ku sameeyay Blockchain-kii ay sameeyeen labadii aqoonyahan ee hore, maadaama iyagu ay sameeyeen sanduuqyo lagu kaydin karo xog badan oo xidhiidhsan Merkle waxa uu ku daray layer(lakab) sare oo amniga sanduuq xogeed-ka ilaalinaya.

2004, hal Finner ayaa daahfuray barnaamijka proof of work(PoW) oo aan dib ku sharrixi doonno.

2008, Satoshi Nakamoto ayaa wax ka baddalay Blockchain-kii hore ee labada aqoonyahan ay sameeyeen, waxuu soo saaray “peer-to-peer electronic cash system” taas oo kana amni  badan sidii hore aadna uga fudud adeegsi ahaan. Bitcoin-kii ugu horreeyayna isaga ayaa qotay(mine) kadib markii 50BTC uu diray block-gii xiligaas samaysmayna genesis block ayaa la dhihi jiray.

2009, wakhtigaa kadib Blockchain waxay bilawday horumar xidhiidh ah oo saamayn leh.

Habka uu u shaqeeyo Blockchain

Haddii aan u imanno habka uu Blockchain u shaqeeyo, kasoo qaad in 3 qof ay isku dirayaan Bitcoin, Cali oo 2BTC haysta, Cabdi oo 3BTC haysta iyo Aadan oo 4BTC haysta.

Haddii Cali uu Aadan u diro 2BTC waxaa samaysmaya block(aan ku magacawno TTC) kaas oo ay ku qoran tahay ‘Cali ayaa 2BTC u diray Aaden, Cali 0BTC ayaa u hadhay, Aadenna 6BTC ayuu haystaa, Cabdina 2BTC.’

Haddana cabdi ayaa 1BTC u diray Aaden waxaa samaymaya block kale(aan u magacawno YYG) oo ay ku qoran tahay ‘Cabdi ayaa 1BTC u diray Aaden, Cabdi 2BTC ayaa u hadhay, Aadenna 7BTC, Calina 0BTC.’

Haddaba labadaa block ee TTC iyo YYG way isku xidhmayaan oo haddii uu cali is yidhaa 1BTC u dir Cabdi ama Aadan ma diri karo maadaama xogta ku kaydsan block-yada waxay sheegaysaa inuu 0BTC haysto.

Blockchain-ku marka uu samaysmo sida baananka ama transaction walba loo xaqiijiyo ayuu u baahan yahay ansixin, haddaba transactions-ka ama isku gudbinta lacagaha ee blockchain-ka waxaa ansixiya(validate) dadka miners-ka ah ama dadka qoda coin-ka xilligaa transaction-ku ka dhacay, iyaga oo adeegsanaya computer awood leh si uu u xalliyo xisaabaadka isku fadhxan ee blockchain-ka si block walba loo ansixiyo oo la isugu xidho tartiib ahaan.

Ansixinta transaction-ka Blockchain-ka way adag tahay oo computerro awood leh oo koronto badan u baahan ayaa loo adeegsadaa, waa sababta ay Ethereum isaga daysay proof of work(PoW) ee ay ugu guurtay proof of stake(PoS) oo ah qaab uu ansixinayo transactions-ka qofka uu u kaydan yahay 32ETH faa’iidadana ku helaya qaab interest ahaan ah oo sannadkii u dhiganta 2.24ETH.

Blockchain waa mustaqbalka is-waydaarsiga lacageed ee adduunkan casriga ah.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office Mastery Blogging Google AdSense Course Somali Alibaba Online Course.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×