Blockchain waa in ay dawladuhu adeegsadaan!

CZ
  • January 26, 2025
  • Comment 0

Xog ayaa sheegaysa Ka timid International Monetary Fund (IMF) in daymaha saaran dawladaha caalamka ay gaadhay $102 trilion wadar ahaan.

Mid ka mid ah aasaasayaasha Binance Changpeng Zhao(CZ) ayaa dawladaha inay adeegsadaan Blockchain si ay u gaadhaan heer cadcaddaan ku filan meesha ay wax ku bixinayaan la ogaado.

CZ ayaa hadalkan yidhi xilli uu Elon Musk oo ah ku xigeenka maamulaha shirkadda DOGE ee maraykanka kana shaqaysa dabagalka lacagaha dawladda ka baxaya, sheegay in Blockchain la adeegsan doono si loola socdo hantida dawladda isla markaana hoos loo dhigo lacagaha ka baxaya dawladda si ay dawladdu xisaab taban u galin, CZ ayaa soo qoray hadalkan shalay 25kii January.

Fikir aan la jeclayn: Dawladaha oo dhan waa inay adeegsadaan Blockchain si ay ula socdaan meesha ay wax kaga baxayaan – waa dhigane aan la baddali karin.

In la adeegsado Blockchain si loola socdo hantida dawladda waxay dhalisay doodo waxayna heshay taageerada qayb yar oo dawladda ka mid ah iyo dad kale oo ku baaqa in isla xisaabtanka iyo cadcaddaanta.

US Government, Inflation, Transparency, National Debt                                  Lacagaha dawladaha lagu leeyahay xigasho:- Civixplorer

Mas’uuliyad xumo maaliyadeed, siyaasadda maaliyadeed iyo sidoo kale daymaha dawladda oo kordhaya.

Siyaasadda maaliyadeed:- waa qorshaha miisaaniyadeed ee ay dawladdu samayso iyo siyaasadda lacagta:- oo ah go’aanka ka soo baxa Federal Reserve (Fed) ayaa saameeya lacagta suuqa soo galaysa iyada oo wax laga baddalayo xadka ribada iyo lacagta la daabacayo.

Wax ka beddelka siyaasadda maaliyadeed ayaa isbeddel ku keenaysa siyaasadda lacagta oo midba midka kale wuu saameeyaa.

1971kii, madaxweynihii maamulayay Maraykanka Richard Nixon ayaa joojiyay In lacagta dollarka lagu xidho dahabka.

Xilligaas Nixon waxa uu sheegay inuu ku xidhnaanshaha dahabka si ku meelgaadh ah loo joojiyay si loo xakameeyo dollarka oo looga dhigo mid ku sugan awood ahaan suuqyada caalamiga ah.

Maadaama lagu xidhay dollarka hadba awoodda suuqa uu ka leeyahay 10kii sano ee ka dambaysay waxaa daynta Maraykanku gaadhay $36 trillion.

Sicir bararka ku yimid lacagta suuqa soo galaysa waxay hoos u dhigtay awoodda wax iibsi ee dollarka iyada oo qiimihiisa hoos u dhigaysa xilliba xilliga ka dambeeya.

May 2023, xog ka soo baxday xafiiska qorshaynta maaliyadda ee Maraykanka ayaa ka digaysay in kaydka maraykanku ku dhow yahay musallafaad isla markaana ay laba jibbaarmi doonto xisaab sannadlaha taban ee dawladdu tobanka sano ee soo socda.

Bitcoin oo ah mid tiro jaan go’an ku soo gasha suuqa oo la iska daabacan karin ayaa u aasaasan sidii ay caymis uga noqon lahayd sicir bararka ku imanaya lacagaha isla markaana waxay dardargalinaysaa cadcaddaan iyada oo la adeegsanayo Blockchain.

Madaxweyne Trump ayaa soo bandhigay fikrad ah in deynta dawladda lagu bixiyo Bitcoin bishii August ee 2024.

VanEch ayaa ka dhawaajiyay isla hadalkii Trump oo sheegay in kaydsashada Bitcoin ee Maraykanku hoos u ridi karto 35% daynta lagu leeyahay Maraykanka 25ka sano ee soo socda.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×