Kooxda Bonk ayaa qorshaynayay in maalinka Christmas-ka ay gubaan Tokens-ka, balse way la fogaatay ilaa maalinkii shalay ee 26 December.
Gubitaanka crypto ayaa ah hab looga saarayo Tokens-ka suuqa ku jira iyada oo lagu dirayo address public ah oo cidina aynan gali karin, laguna magacaabo “burner“, “eater” ama “null“.
Muhiimadda ay leedahay in la gubo Tokens-ka ayaa ah in la yareeyo xaddiga suuqa yaalla ee wareegaya si uu Tokens-ku u noqdo mid yar oo baahidiisu badan tahay, taas oo ka caawinaysa in qiimahiisu kor u kaco.
Memecoin-ka Bonk ayaa ka bixi kari waayay caqabado badan oo soo foodsaaray inkasta oo ay suuqa ka saareen 1.69 trillion Tokens oo Bonk ah taasi oo u dhiganta $51 million.
November dabayaaqadeedii, kooxda ka dambaysa memecoin-ka Solana ku dhisan ee Bonk, ayaa soo bandhigay in 1 trillion oo token lagu sameeyo “BURNmas” oo ah habkii aan horey uga soo hadalnay.
Waxay soo bandhigeen in halkii post ee platform-ga X ku jira isla markaana leh hashtag-ga #letsBONK loo gubo 1000 Bonk, sidoo kale 10,000 Bonk loo gubo halkii follower ee ku cusub barahooga Instagram iyo Tiktok, waxaana gubitaanka loogu talo galay inay dhacdo 25ka December.
Dib ayay uga dhacday xilligii loogu talo galay, oo xubin ka mid ah xubnaha BonkDAO ayaa u codeeyay in 1.69 trillion Bonk ah la gubo 26ka December, 8:40 habeennimo.
Waxay ka tahay 1.85% Tokens-ka Bonk ee suuqa yaalla oo ah 90.97 trillion Bonk, waxa uuna hoos uga soo degay 100 trillion sida uu sheegay wargayska CoinGecko.
Qiimaha Bonk ayaa dib u laabtay.
In Tokens-ka la gubo waa istiraateejiyad loogu talo galay inay qiimaha Tokens-ka kor u qaaddo, iyada oo lagu ilaalinayo heer cayiman.
Ilaa hadda waa ku guuldarraystay Bonk inuu sameeyo kor u kac la mid ah kii uu sameeyay November 13, kadib markii ay gubeen 100 billion oo Bonk ah.
taas oo ka dhigtay Bonk mid kor u kaca 56% gaadhayna meeshii abid ugu sarraysay isla markaana gaadhay MarketCap ah $4.38 billion toddobaad kadib.
Laga bilaabo 26 December, kadib markii la gubay 1.69 trillion Bonk ah, qiimahiisa ayaa hoos u dhacay 7.2%, MarketCap ahaanna waxa uu joogaa $2.3 billion isaga oo ku soo hagaagay xilli suuqu uu hoos u dhac ku jiro.
Maxaa sababay hoos u dhaca?
Iyada oo aan la ogayn waxa sababay hoos u dhacan, haddana dadka qaar ee falanqeeya Bonk ayaa hoos u dhacan ku tilmaamay mid uu sababay qaraarka ay dib igu dhigeen kooxda Bonk maamusha xilliga ay gubi lahaayen Tokens-ka, oo ahayd inay gubaan 25 December.
” Qiimuhu hoos ayuu u sii socon doonaa, sababtoo ah niman yahow ma ballantiinna ma ilaalinaysaan mana leedihiin xidhiidh wacan ” ayuu bartiisa X ku soo qoray BestBets.
” Waxaad waayaysaan horumar badan iyo dadkii coin-ka haysanayay maadaama aad bulshada been u sheegteen” ayuu raaciyay BestBets.
Inkasta oo uu qiimuhu hoos u dhacay, haddana Bonk waxa uu wali yahay memecoin-ka afraad ugu weyn suuqa memecoins-ka.
waxa uuna gaadhay $105 billion suuq ay soo martay, isaga oo ay ka horreeyaan Dogecoin, Shiba Inu iyo PEPE kaliya, sida uu sheegay wargayska CoinGecko.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing