Waa maxay Copywriting?
Copywriting waa qorista qoraallo soo jiidasho leh kuwaas oo loogu talagalay in ay saamayso akhristiyaasha ayna sameyaan ficil marka ay arkaan qoraalka xayeesiinta ku qoran sida: Iibsashada alaab, Diiwaangelinta ama reebida xoga sida magac, number iyo email, Dajinta app, Gujinta xayeysiiska, ama booqashada goobta xayeesiinta tusaale website.
Xirfadda Copywriting waa mid ka mid ah xirfadaha ugu qaalisan online-ka, waxayna muhiim u tahay ganacsiyada digital-ka ah, suuqgeynta, iyo iibinta badeecadaha iyo adeegyada qaab online-ah.
Goobaha loo adeegsado Copywriting
Qoraalada lagu tala galey xayeesiimaha Online-ka waxaa lagu qoraa dhamaan aaladaha baraha bulshada iyo goob walibo online ka mid ah ee macaamiil laga helaayo sida Search engine palatforms ugu wayn yahey Googale, Yaho, Micrsoft edge.
Waa kuwaan meelaha loo adeegsado Copywriting
- Xayeysiisyada Google Ads ama Facebook Ads
- Website-yada ganacsiga (sales pages, landing pages)
- Email Marketing – qoraallada lagu suuqgeeyo email
- Product descriptions – qoraalada la raaciyo sharaxaada alaabaha
- Social media captions – qoraallada lagu dul qaro badeecadaha iyo adeegyada lagu xayeesiiyo , Facebook Instagram, Twitter, Youtube iwm
- Video Scripts – qoraallada lga qoro muuqaallo xayeysiinta inta aan la duubin ka hor ee lagu xayeesiiyo baraha bulshada.
Halkee laga helaa farsadooyinka Shaqo ee Xirfada Copywriting?
Fursadaha shaqo ee Copywriting aad bay u badan yihiin, waxaana laga helaa meelo badan oo Online-ka sida freelancing paltforms, marketing Agency, iyo shirkado waa wayn Onlike Accounts ku leh.
Waa kuwaan Goobaha laga helo shaqooyinka Copywriting
- Freelance Platforms, waa madalo isku xero xirfad yaqaanka iyo qofka rabo in shaqo online loo qabto tusaale waxaa ka mid ah
- Upwork
- Fiverr
- Freelancer.com
- PeoplePerHour
- Guru.com
- Websites-ka xayeesiiyo Shaqooyin Online-ka ah, waxaa ka mid ah website yadaas
- Remoteok
- Job leads
- We Work Remotely
- ProBlogger Jobs
- Contena
- SolidGigs
- Flex jobs
- Shirkadaha sida toos ka ah u shaqaaleysiiyo xirfad –layaasha Copywriters, sida
- Shirkadaha e-Commerce, tusaale: Amazon, Shopify, Alibada
- Shirkadaha Digital Marketing Agency sida Neil Patel Digital, HubSpot
- Shirkadaha Media companies tusaale: BuzzFeed iyo Vice
- LinkedIn Jobs, waxaa sidoo kale xirfadaan lagu xiyeesiiyaa App-ka Linkdln oo ah meesha ugu badan shaqooyinka laga helo.
Mushaarka uu qaato xirfad-yahanka Copywriter?
Mushaarka uu qaato qofka Copywriter-ka ah waxay ku xeran tahey ilaa inta ay gaarssisan tahey aqoonta uu u leeyahey xirfada, waqtiga uu ku bixiyo, goobta ugu shaqeyaanyo iyo Luqadda uu ku qorayo xayeesiinta waxaana ugu mushaar badan luqada Ingiriiska.
Waa tanaa qiyaasha mushaarada kala duwan ay qaataan Copywritters.
part time Copywriter, waxuu ku shaqeyaa saacadii $10 – $30, hadii uu yahey Expert uu xirafdaan muddo ku jiray halkii saac waxuu qaataa $50 – $150
Full-Time Copywriter qofka xirfadaan si joogta ah ugu shaqaysto waxuu ka sameyaa sannadkii qiyaas ahaan lacag u dhaxayso $50,000 ilaa $150,000 ayna u dheer tahey projectiyada One time halka mar uu qaato mushaarkeeda.
Faa’iidooyinka ay leedahey xirfadda Copywriting
Xirfadaan Copywritting waa mid cusub ayna yartahey dadka aqoonta iyo expirence aad u badan leh waxayna ka faa’ido badan tahey xirfado badan Onlin-ka lagu sahqeeyo waxaa ka mid ah faa’idooyinkeeda.
- Mushaar badan, tusaale halkii project aad qorayso xayeesiintiisa waxaa lagu bixiyaa $150 – $1,000
- Dalab shaqo joogta ah: Waxa u baahan xirfadaan in lagu shaqeeyo ganacsiyada iyo shirkadaha online wax ku iibiyo
- Goob kuma xadidna, waxaad shaqadaan qaban kartaa adigoo adduunka meel walibo ka jooga kuma xero goob gaar ah.
Halkee laga bartaa xirfaddan?
Xirfadaan waxaa ka baran kartaa School keena waliba ayadoo Af-Soomaali ku baran doontid, booqo Course page soo eeg dhamaan Courses kala duwan.
daryeldrugwholesaler@gmail.com
sidee kaga shaqeen karaa shaqadan
abdirahman ahmed
maqaalka ku dhex sheegnay qaabka looga shaqaysan karo wll.