Crypto: Fahan Fudud, Oo Kooban

  • June 29, 2025
  • Comment 0

Crypto: Fahan Fudud, Oo Kooban

Erayga “Crypto” ayaa noqday erey aynu si joogto ah u maqalno, haday noqon lahayd warbaahinta, baraha bulshada, iyo xittaa asxaabta nagu hareeraysan.

Laakiin dhab ahaantii maxay tahay cryptocurrency?

Sida caadiga ah, lacagha aynu adeegsano waa lacago “digital” ah, iyo kuwo “physical” ah, oo aynu ula jeedno kuwo lataaban karo, oo ay gacantu qaban karto, iyo kuwo aan lataaban karin, kaliya se la arki karo.

Cryptocurrency waa lacago gabi ahaanteed “digital” ah, marii aynu leenahayna “digital” waxaynu ula jeednaa lacago aan jidhitaan jidheed lahayn, laakiin se jirta.

Tusaale, hadii aad $100 haysato, isla lacagtaas waxaad ka dhigan kartaa mid digital ah, adigoo u tagaya shirkadaha maaliyadeed ee dalkii ka shaqeeya, sida EVC, Zaad, E-dahab.

Sidaa si la mid ah, waxaad ka dhigan kartaa mid physical ah, adigoo hadana dib ugu noqonaya, kana codsanaya $100 ee EVC-gaaga ama Zaad-kaaga kugu jirtay inaad la baxdo.

Easy, intaas waynu isla garanay, saw mahan?

Haddaba hadii aad haysato lacag cryptocurrency ah, sida Bitcoin, ma jirto cid ama goob aad u tagayso oo ku siinaysa Bitcoin-taadii oo jidhitaan jidheed leh.

Halkan, wax yar aynu kala saarno, marka aad rabto inaad lacag la baxdid, Bitcoin ayaad u bedelanaysaa doolar, ee bitcoin lafteeda lama bixi kartid, waayo ma jirto cid aad u tagi karto, oo ku siin karta Bitcoin physical ah, sababtoo ah ma jirto.

Sidaa darteed, cryptocurrency waa lacago digital ah.

Haddaba Sidee Bay U Shaqeeyaan Cryptocurrency-ga?

Ugu horrayn aynu wax yar ka fahamno sida ay u shaqeeyaan lacagaha aan cryptocurrency-ga ahayn, si uu fahamka noogu fududaado.

Lacagaha aan cryptocurrency-ga ahayn ee noogu jirta EVC, Zaad, amaba koontadeena bangiga, waa lacago uu baanka dhexe, ama dawlad, amaba hay’ad maaliyadeed  soo saartay.

Taas oo micnaheedu yahay, in lacagahaas la maamulo.

Markii aad rabto inaad lacag dirto, adigoo adeegsanya EVC ama Zaad waxay lacagtaas sii dhex martaa nidaamka aad adeegsanayso, nidaamaas oo xogtiisa gaarka ah ay u kaydsan tahay.

Xogo marka aynu leenahay waxaynu ula jeednaa xogaha shakhsiyeed, sida lacag diristaadii u danbaysay, cidda aad wax u dirtay, cidda wax kuu soo dirtay., hadhaagaaga, iwm.

Xogtaas oo dhan waxaa lagu diiwaan galiyaa server-da shirkadda, iyadaana kaydsata, oo maamusha.

Sidaa si ka duwan, cryptocurrency ma lahan server lagu diiwaan galiyo xogta adeegsadayaashooda, cid gaar ahna ma maamusho, taa bedelkeeda cryptocurrency waxay adeegsataa tignoolajiyad loo yaqaan “Blockchain”.

Blockchain waa diiwaan la mid ah diiwaanka ay adeegsadaan shirkadaha maaliyadeed, ee lagu kaydiyo xogaha adeegsadayaashooda, hasa yeeshee, badelkii uu ku koobnaan, kuna kaydsanaan lahaa server-ka shirkadda, wuxuu yahay diiwaan baahsan, oo ay cid kasta heli karto, arki kartana xogaha ku diiwaan gashan.

Dadka qaar ayaa moodaya blockchain inuu ka mid yahay lacagaha cryptocurrency-ga, hase ahaatee, kaliya waa diiwaan-galiye. Xogaha uun-buu diiwaan galiyaa.

Blockchain ayaa loo adeegsan karaa diiwaan galinta xog kasta, ha noqoto lacago, diiwaankga dhulalka, NFTs-yada, iwm.

Kaliya waa tignoolajiyd xogta diiwaan galisa.

Cryptocurrency waa lacago aysan cidna maamulin, dawlad, hay’ad maaliyadeed, iyo xitaa baan dhexe, waa lacago madax-bannaan, oo decentralized ah, oo daafaha dunida dhan ku baahsan, oo adeegsanaya tignoolajiyadda blockchain.

Tani waxay cryptocurrency-ga ka dhigeysaa lacago xornimadoodu aad u sarrayso, maadaama aysan cid gaar ah maamulin, hasa yeeshee waxa aan la iska indho-tiri karin ayaa ah, xassilooni la’aanta, iyo is-bedebelka joogtada ah, ee ku imanaya qiimayaasha cryptocurrency-ga.

Hagaag, hadii aad rabti inaad si qoto dheer leh u barato cryptocurrency-ga una fahanto, isla markaana u maalgashato, qaado koorsadeenan hoos kaaga muuqata, taasoo ku baran doontid cryptocurrency bilaw ilaa dhamaad ⬇️.

Booqo bogga koorsooyinkeena, oo xulo mid ama dhowr ka mid ah koorsooyinkeena, adigoo gujinaya badhankan hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *