Dadkii Bitcoin sell u galay oo qasaaray go’aanka doorashada ka hor.

  • November 6, 2024
  • Comment 0

Ku dhawaad hanti dhan $180million oo Bitcoin sell loogu jiray ayaa suuqu gubay maadaama stop loss laga soo taabsaday.

Sidoo kale Bitcoin ayaa samaysatay all-time high kale oo ah $75,397 xeeldheerayaasha suuqanna waxay sheegayaan inay tani tahay mid aad u muhiim ah maadamaa ay ka turjumayso heerka baahida loo qabo helitaanka Bitcoin.

Dadkii Bitcoin ka trade-gareyn jiray ee maalinkan doorashada dartii suuqa Bitcoin sell u galay ayaa ku qasaaray lacagihii ay sell-ka ugu galeen suuqa maadaama uu sameysatay suuqu all-time high kale.

 

Bitcoin sellers oo suuqa ka baxay

Nov 6deedii, Bitcoin waxa ay kor u dhaaftay $75k iyada oo jabisay meeshii ugu sarraysay oo ay gaadhay March 13keedii sannadkan oo ahayd $73,679 waxa uu kor u kacani muddo 4saac ah ku galaaftay lacag ku dhow $197.73million sida uu sheegayo website-ka CoinGlass.

Cryptocurrencies, Markets

                     Hanti dhan $197.73million oo ku baaba’day kor u kaca Bitcoin xigasho:CoinGlass

24kii saac ee u dambeeyay lacagta lagu qasaaray Crypto ayaa gaadhay $483.2million iyada oo $358.2million ay tahay mid suuqa sell ahaan loogu jiray.

Bitcoin dadka sell-gareeyay ayuu soo gaadhay qasaaraha ugu badan oo ah $251million waxaana ku xigay dadka sell-ka ugu jiray Dogecoin oo isna cirka isku shareeray.

Khabiir ayaa sheegay in aynan yaab noqonayn haddii ay Bitcoin dib u soo laabasho samayso kadib marka lagu kala baxo doorashada.

Dadka gadanaya Bitcoin ayaa qiimahiisa kor u qaaday

Waxa uu sheegay khabiirku in gadashada Bitcoin iyo sidoo kale haysashada Bitcoin oo la haysto coins-kii oo xaqiiqo ah ay tahay midda kor u qaadaysa Bitcoin oo uunan la mid ahayn sida derivatives-ka oo ah kuwo lagu khamaartamayo qiimaha suuqa uun iyada oo aynan saamayn ku keenayn Bitcoin-ta suuqa taalla.

Bitcoin waxaa bartilmaameed u ah $120k sida uu taxliiliye sheegay

Mid ka mid ah aasaasayaasha ZX squared capital oo ah CK Zheng ayaa u sheegay wargayska Cointelegraph in haddii uu Trump guulaysto ay Bitcoin kor u sii socon doonto illaa Trump oo soo dhisayo dawladdiisa nidaamkiisana laga arko mid crypto u saaxiib ah.

Madaxa cilmibaadhista crypto Markus Thielen ayaa u sheegay Cointelegraph in Bitcoin ay gaadhi karto $100,000 saddexda bilood ee u horraysa 2025ka.

Forster-ka u shaqeeya shirkadda Derive ayaa sheegay in suuqa Options-ka ula muuqdo in ay jirto fursad 15% ah oo ay Bitcoin ku dhaafi karto $100,000 inta aanan la gaadhin 2025.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×