Dhaqaala-Burburkii Maalintii Dhawayd Dhacay

  • August 8, 2024
  • Comment 0

Dhaqaala-Burburkii Maalintii Dhawayd Dhacay

Dhaqaala-burburkii dhacday maalmihii dhowaa waa mid saameyn weyn ku yeelatay suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan waddamada horumaray iyo kuwa soo korayaba.

Sababaha ugu waaweyn ee keentay in ay dhacdo dhaqaale xumadan way badan yihiin, hasa yeeshee waxaan xusaynaa kuwa saamaynta badan dhaliyay, waxaana ka mid ah:

  • Hoos-u-dhac ku yimid kobaca dhaqaale ee adduunka.
  • Sicir bararka oo sii kordhaya.
  • Saameynta dagaalada iyo isbedelada siyaasadeed ee adduunka ka jira.
  • Shaqao la’aanta oo sii fidaysa.

1. Hoos-U-Dhaca Ku Yimid Kobaca Dhaqaale Ee Adduunka

Waxaa jiray hoos-u-dhac weyn oo ku yimid kobaca dhaqaale ee waddamo badan, gaar ahaan kuwa leh dhaqaalaha ugu xooggan sida Maraykanka, Shiinaha, Japan, iyo Midowga Yurub.

2. Sicir Bararka Oo Sii Kordhaya

Sicir bararku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee saameeyey dhaqaale burburkan.

Kor u kaca qiimaha shidaalka, cunnada, iyo adeegyada kale ayaa keentay in macaamiisha ay la kulmaan culeys dhaqaale.

Tani waxay sidoo kale sababtay in heerarka dulsaarka ay sare u kacaan, taasoo dhib ku noqotay ganacsiyada iyo dadka deynta ku nool.

3. Saameynta Dagaalada iyo Isbedelada Siyaasadeed Ee Adduunka Ka Jira

Dagaalada ka socda qaaradda Yurub iyo bariga-dhaxe ayaa sii adkeeyey xaaladda dhaqaale ee ay maanta ku sugan tahay dunidu.

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay suuqyada tamarta iyo cunnooyinka, gaar ahaan Yurub iyo dalalka ku tiirsan wax-soo-saarka dalalka dagaalku saameeyey.

Isbedelada siyaasadeed ee dalal badan ayaa keenay shaki ku saabsan mustaqbalka dhaqaalaha.

Siyaasadaha cusub ee ay qaateen dowladaha qaar, sida canshuur kordhinta iyo wax ka beddelka heshiisyada ganacsiga caalamiga ah, ayaa iyaguna kaalin ku lahaa dhaqaale bururkan.

4. Shaqao La’aanta Oo Sii Fidaysa

Hoos-u-dhaca kobaca dhaqaalaha wuxuu sabab u noqday in shirkado badan ay yareeyaan shaqaalahooda, taasoo kordhisay shaqo la’aanta iyo hoos-u-dhaca wax soo saarka.

Gabagabadii, dowladaha waa inay ka shaqeeyaan sidii loo xasili lahaa suuqyada caalamiga ah, loo yareyn lahaa sicir bararka, sidoo kalena loo yareyn lahaa shaqo la’aanta jirta.

Our Services

  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Our Courses

  • Crypto Bilaw Ilaa Dhamaad Af:Somali Course
  • Ecommerce & Marketing Course
  • Graphic Design Course-Master Class
  • Video Editing in CapCut | Beginner to Pro | Desktop + Mobile Course
  • Basic Computer And Office Mastery
  • Blogging Google AdSense Course
  • Somali Alibaba Online Course

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×