Elon Musk maxuu ka faa’iidi xilka loo dhiibay?

  • November 16, 2024
  • Comment 0

Wakaaladda “DOGE” ee uu maalqabeenka Elon Musk u soo bandhigay dawladda Maraykanka ayaa ah mid u baajin karta lacag badan oo cashuur Kaga bixi lahayd.

Trump ayaa sheegay 12kii November, in Elon Musk iyo Vivek Ramaswamy oo ahaa xubin Republican-ka mid ah oo u sharraxnaa madaxnimada balse dib Trump ka taageeray ay u talin doonaan wakaaladda “Department of government efficiency” oo marka la soo gaabiyo “DOGE” noqonaysa.

Xilka marka ay qabtaan 20ka January ee sannadka soo socda Trump ayaa qaba in maalqabeenka Elon oo haysta ku dhawaad $300billion iyo Ramaswamy ay ka caawin doonaan dawladda inay u baaqato hanti balaayiin ah oo kaga baxaysay micno la’aan.

Madaxa shirkadda Tesla ahna maalqabeenka dunida ugu hantida badan casrigan maanta, waxa uu heli karaa billions lacag ah oo uga baaqan doonta cashuuraha uu bixiyo waa haddii uu ka shaqo galo wakaaladda cusub ee uu Donald Trump sheegay e’.

Marka laga yimaaddo magacaabidda uu Trump sheegay, kaliya waxaa ansixin kara wakaaladda Congress-ka Maraykanka, soo bandhigidda la soo bandhigayna waxaa dhacdo ah inay u shaqayso kaliya wakaalad la talisa commissions-ka u qaabilsan hawlaha lacag bixinta.

Balse, maadaama ay Senate-ka(golaha guurtida) iyo House of people representative (golaha wakiillada shacabka) ku badan yihiin Republican-ku waxaa dhacdo ah inay si fudud u ansixiyaan oo sidaa lagu hirgaliyo wakaaladda haddii laga maarmi waayo.

Wali ma caddo in loo baahan doono ansixinta Senate-ka haddii Elon Musk loo magacaabo shaqaale ama madaxa wakaaladdan.

Khubaro ayaa sheegaya in milkiilaha Tesla uu baajisan karo lacago balaayiin ah oo kaga bixi lahayd cashuur oo ay dawladdu qaadan lahayd.

Guulwade Trump ilaa shaqaale dawladeed

Elon oo 2022kii yidhi  “Trump waa duq” oo ma awoodo inuu madaxnimada ku soo laabto, ayaa sannadkan ahaa taageeraha ugu weyn ee hiil iyo hooba la garab joogay xisbiga Republican-ka, isaga oo ka soo muuqanayay ololayaasha sidoo kale bartiisa X ku boorinayay dadka ku xidhan inay u codeeyaan Trump, sidoo kale waxa uu malaayiin ku bixiyay dadkii Trump u codeynayay ee ku sugnaa gobolka Pennsylvania oo ka mid ahaa gobollada jaangoynayay guusha xisibiga talada qaban doona.

Waxyar kadib markii Trump uu ku guulaystay doorashada waxaa jeebkiisa ku soo qulqulay hanti dhaaftay $20billion sabab la xidhiidha saamiga shirkadda Tesla oo si xooggan u kacay.

Isku soo duuduub oo Elon Musk waxaa bilaw u ah waddo dheer oo uu ku noqonayo qaaruunka casrigan maadaama uu laba awood oo kala ah tan hantida iyo tu dawladnimo oo loogu ballan qaaday uu kulmisanayo.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Website Design WordPress.
  • Barashada Forex Course
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×