Elon Musk oo dhawaan loo magacaabay madaxa wasaaradda DOGE ayaa isku sheegay inuu yahay la taliyaha Trump ee dhinaca IT-ga waliba uu isxilqaan ku shaqayn doono.
Elon Musk ayaa qoraal uu ku soo qoray bartiisa X ayaa waxa uu ku qoray hadal xanaf leh oo uu u jeedinayay system-ka computers-ka dawladda.
Musk oo dhaleeceeyay computers-ka dawladda Maraykanka xigasho:- Elon Musk
Sida uu aaminsan yahay Elon Musk computers-ka dawladda Maraykanka ayaa ah kuwo qaab xun u yaalla isla markaana aynan mararka qaar ansixin karayn ama ay kala saari karayn in lacagta la baxshay ay tahay mid been abuur ah ama dhacba.
“Taasi waa sababta ay dawladdu u dhaafi la’dahay dabagallada fudud, badanaa ma garanayaan meesha ay lacagta cashuurtu martay, waa yaab” Elon Musk.
Musk ayaa falanqeeyay dhibaatooyinka jira isaga oo ka jawaabaya faallooyinka laga soo celiyay maqaalkii hore ee uu soo dhigay.
Waxa uu qeexay in dawladda Maraykanku ay lacag aad u badan ku bixinayso system aanan shaqaynayn taasina waa mid ay ugu talo galeen ayuu yidhi
Waxa uu sheegay in qalabkan teknooloojiyaddu ka tagtay iyo softwares-kan dhacay ay sababeen xukuumad aan isla xisaabtan lahayn, waxa uu raaciyay “tani hadday tahay mid ay ugu talo galeen si fudud ayaa loo hagaajin karaa”.
Malaha hadalka ugu cajiibsanaa inuu ahaa marka uu Elon ku sheegay waaxda adeegga dakhliga ee Maraykanka (IRS) mid adeegsata qalab toban sano ka hor suuqa ka baxay.
Musk oo ka jawaaabay sawir tusinaya computer jiray 1990kii xigasho:- Elon Musk.
Isaga oo u jawaabaya qofka soo dhigay sawir tusinaya computer la adeegsan jiray sagaashameeyadii oo uu ay la socoto shaashad uu ka muuqdo windows 98, isla markaana si kaftan ah loogu sheegay inay adeegsadaan waaxda dakhliga ee Maraykanka ayaa Elon ugu jawaabay ” waan rajayn lahaa, balse nasiib darro waa ka daran yahay sidan”.
Waxa ay u eeg tahay in rabo dajinta xal siyaasadaysan oo uu kor ugu qaadayo isla xisaabtanka dawladda isaga oo u hubaanti galinaya xaaladda horumarka teknooloojiyadeed ee dawladda Maraykanka taasna waxaa ka soo bixi karta uun system-ka Blockchain.
Dawladda soo socota ee Trump dhisay waxay durba sii caddaynaysaa inay tahay mid xaqiiq ahaan ka dhigaysa Maraykanka dawlad ku hoggaamisa caalamka dhinaca cryptada iyo Blockchain-ka, Sida ay khubaro badan sheegaanna adeegsiga ugu yar ee Blockchain loo adeegsan karo waa in lagu kaydsado xog aan la baddali karin.
Haddii laga hirgaliyo heer federaal, teknooloojiyad ku dhisan Blockchain waxay hubin kartaa in la diwaangaliyo dhaqaaq walba oo ay dawladdu samayso, tani waxay fududayn doontaa in dabagal aad u ballaadhan la samayn karo iyado oo cadcaddaan muuqata oo la arki karo laga heli doono cashuurt bixinta iyo waxa lagu falayo cashuurta.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing
osmaan abdisalaam
zxp sarifle aya binance account lacag USDT iigu shubay lakin lacagta unavailable e iga noqotay si walbo ayaan isugu dayay ima shaqeenayo iga caawi please
Gelle Bashir
fadlan number kena laso xirir