Forex Market

  • October 18, 2024
  • Comment 0

Forex waxaa laga soo gaabsaday foreign exchange oo ka dhigan sarifka lacagaha qalaad.

Forex waa suuqa Marketcap ama lacagta dhex marta ee suuqyada online-ka ah ugu badan oo sida la sheego waxaa dhex marta maalin walba lacag dhan $7.5Trillion.

Waxaa la sheegaa in ay jiraan ilaa 14million oo ganacsade(Trader) oo ka shaqaysta suuqan forex.

Waa suuq maalin walba furan marka laga reebo Sabtida iyo Axadda oo uu xidhan yahay suuqu.

Taariikhda Forex

Forex inta aan lacag ahaan loo adeegsan waxaa ka horreeyay system-kii la odhan jiray Barter system oo ahaa mid u dhigan in qof walba waxa uu hayo uu qofka kale kaga iibsado waxa uu hayo tusaale ahaan haddii aan kabo hayo adiga waxaan kaaga iibsan karaa shaadh haddii ay isu dhigmaan.

System-kan Barter lagu magacaabo waa mid qadiimi ah oo la dhihi karo bani’aadamka ayuu la bilawday.

Barter system waxa uu dariiqa u xaadhay Forex oo waxaa bilawday in lagu heshiiyo alaab dadka ka dhaxeysa oo wax lagu kala gato ahaatana waxa kaliya ee wax lagu iibsan karo waxaana ka mid ahaa alaabihii lacag ahaan loo adeegsan jiray:-

  • Cusbada(Milixda)
  • Haragga xoolaha

Kadib waqti dheer oo loo adeegsan jiray alaabahan lacag ahaan waxaa la isla gartay in dahabka laga dhigo mid wax lagu kala iibsado, balse dhibaato ayaa ka dhalatay waqti kooban kadib maadaama dhaqaaluhu sii korayo waxaa loo baahday dahab badan oo aan la hayn,

Taas waxay keentay in dahabka laga guuro oo loo guuro silver-ka oo in ka badan intii dahabka la heli karo.

Sidoo kale dhaqaalihii oo sii ballaadhanaya iyo jidgooyeyaal isbaarooyin dariiqa dhigan jiray iyo culays uu leeyahay silver-ku ayaa sababay in la sameeyo lacago warqad ah oo u dhiganta inta silver uu ruuxu haysto, taas oo kana fudud silver-ka amnigana u roon.

Kadib dawlad walba lacagteeda u gaarka ah marka ay yeelatay waxaa loo baahday isku baddalka lacagaha kala duwan waana halka uu ka bilawday suuqa Forex.

Taariikhda casriga ah ee Forex

Shirkii Bretton Woods ee dhacay 1971kii ayaa laga dhigay dollar-ka udub dhexaadka ay ku wareegaan lacagaha kale ee ay kaga shidaal qaadanayaan sarifka lacagahooga, maadaama dollarkuna yahay lacag marna kacda marna hoos u dhacda waxay sababtay fursad lagaga shaqaysan karo kala sarifaadda lacagaha qalaad.

Balse nasiib darro ilaa xilligaas waxaa kaliya suuqan ka shaqaysan karayay bangiyada, shirkadaha hantida maamula iyo ururrada waaweyn kaliya.

Sagaashameeyadii markii internet-ku soo shaac-baxay bangiyadii ayaa bilaaway inay yeeshaan platforms u gaar ah oo ay ku trade gareeyaan macaamiishoodu.

Kadib dardar badan iyo horumar ku soo kordhay suuqan 2005tii ayaa la hirgaliyay mobile trading oo metatrader 4 ayaa la sameeyay, waana platform-yada lagu trade gareeyo xilligaas kii ugu fududaa.

Maanta cid walba way u bannaan tahay inay ka shaqaysato suuqan, haddii uu aqoontiisa yeesho waqti badanna uu galiyo.

Haddaba aqriste waxa aan bisha dambe insha’allah soo galin doonna course aad ku baranayso Forex strategyadaha looga shaqaysto iyo sidii aad heer uga gaadhi lahayd.

Fadlan taabo courses si aad ula socoto course walba oo aan soo galinno.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×