Futures Contracts

  • September 17, 2024
  • Comment 2

Futures contracts:- waa hab heshiis ama qandaraas ah oo ku dhisan mustaqbalka oo wax hadda aan la hayn la kala iibsanayo.

Taariikhda Futures contracts

Futures contracts waxaa la aasaasay 1571kii xilligii laga furay Royal Exchange magaalada London.

Balse waxaa si casri ah oo nidaamsan loo hirgaliyay 1710kii waxaana adeegsaday Dojima Rice Exchange oo Japan ka shaqaysa.

Sida uu u shaqeeyo Futures contracts

Futures contracts waa waxa ka dhiga in qiimaha alaabaha la process gareeyay uu is-baddal weyn ka muuqan dalalka horumaray, sababtuna waa Futures contracts market.

Tusaale
Aan kasoo qaadno inuu jiro nin beeroole ah oo qamadiga beera oo Cali lagu magacaabo iyo nin furunka(roodhiga) sameeya oo Cabdi lagu magacaabo.

Ogow mar walba Cali waxa uu rabaa in qamadiga uu beerayo uu ku iibiyo qiimo qaali ah, sidoo kale Cabdi qamadiga waxa uu ku rabaa qiimo jaban si uu roodhiga uga sameeyo lacag fiican.

Cali dhibaato ayaa haysata maadaama dhammaan dalagga uu beerayo mar qudha uu soo wada go’ayo, sidoo kale dhammaan beeralaydu xilli isku mid ah ay soo wada goynayaan dalagga oo ay suuqa keenayaan, taasi waxay keenaysaa qiimaha qamadiga oo jaba.

Cabdi dhinaciisa ma rabo inuu hal mar uu soo gato qamadiga uu u baahnaa sannadka oo dhan maadaama qiimuhu uu hoos u dhici karo sannadka dambe.

Balse qamadigu waa wax la kaydin Karo oo sannadka oo dhan markaad rabto aad iibinayso, halkan ayay kasoo baxaysaa adeegsiga Futures contracts ama qandaraasyada mustaqbalka.

Cali iyo Cabdi halka ay kala iibsan lahaayeen qamadiga, waxa ay kala iibsanayaan qandaraasyo ku dhisan mustaqbalka oo ay ku qoran tahay xaddiga qamadiga uu rabo inuu iibiyo Cali iibiyo iyo qiimaha waqti xaadirkan uu joogo qamadigu.

Balse ogow Cali qandaraaskan kuma wada iibinayo dhammaan qamadiga u soo go’i doona mustaqbalka ee waxa uu iibini xaddi cayiman inta kalena waa uu reebanayaa si haddii qiimuhu uu kaco uu ku iibiyo qiimaha qaaliga ah mustaqbalka.

Cabdina sidoo kale dhammaan qamadiga uu mustaqbalka rabo ma wada gadanayo oo Contract dhammaystiran ma gadanayo, balse waxa uu gadani qayb ka mid ah qamadiga uu rabo mustaqbalka si haddii qiimuhu hoos u dhaco uu raqiis ku helo.

Haddii qiimaha qamadigu kor u kaco mustaqbalka Cali ayaa ku khasaaraya contract( qandaraaska), dhanka kale Cabdi ayaa faa’iidaya, balse Cali dhib kuma hayso oo inta u soo hadhay ayuu qiimaha qaaliga ah ee hadda uu ku iibin.

Hadii qiimuhu hoos u dhacana Cabdi ayaa ku khasaaray contract-ga, sidoo kale Cabdi dhib kuma leh oo qamadiga hadda raqiiska ah ayaa uu intii uu u baahnaa ka iibsan oo uu ku dabooli khasaaraha ka soo gaadhay contract-ga.

Futures contracts waxa uu dheellitiraa qiimaha alaabaha ku xidhan contract-ga.

Tani kama dhigno inaan leenahay Futures market waa laga trade garayn karaa ama waa laga shaqaysan karaa, samee baadhitaan kuu gaar ah oo soo ogow waxa ay diintu ka qabto wax walba oo aan sheegayno.

Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing
Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  •  Website Design WordPress.
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×