Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Ganacsiga Elektaroonigga Ah

Faa’iidooyinka ganacsiga elektarooniga ahi sanadihii ugu danbeeyay wuxuu gaadhay guulo weyn oo la taaban karo, waxaynuna dhamaanteen ogaanay in dhaq-dhaqaaqa dhaqaaluhu uu ku sii wajahan yahay dhankaa iyo ganacsiga elektarooniga ah, maqaalkeenan maanta waxaynu dul istaagaynaa faa'iidooyinka ganacsiga elektaroonigga ahi uu u leeyahay shakhsiyaadka iyo shirkadahaba.
  • April 13, 2023
  • Comment 0

Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Ganacsiga Elektaroonigga Ah

Faa’iidooyinka ganacsiga elektarooniga ahi sanadihii ugu danbeeyay wuxuu gaadhay guulo weyn oo la taaban karo, waxaynuna dhamaanteen ogaanay in dhaq-dhaqaaqa dhaqaaluhu uu ku sii wajahan yahay dhankaa iyo ganacsiga elektarooniga ah, maqaalkeenan maanta waxaynu dul istaagaynaa faa'iidooyinka ganacsiga elektaroonigga ahi uu u leeyahay shakhsiyaadka iyo shirkadahaba.

 

Faa’iidooyinka ganacsiga elektarooniga ahi sanadihii ugu danbeeyay wuxuu gaadhay guulo weyn oo la taaban karo, waxaynuna dhamaanteen ogaanay in dhaq-dhaqaaqa dhaqaaluhu uu ku sii wajahan yahay dhankaa iyo ganacsiga elektarooniga ah, maqaalkeenan maanta waxaynu dul istaagaynaa faa’iidooyinka ganacsiga elektaroonigga ahi uu u leeyahay shakhsiyaadka iyo shirkadahaba.

Ka hor intaynaan guda gelin Faa’iidooyinka Uu Leeyahay Ganacsiga Elektaroonigga Ah, aynu in yar ka hadalno waxa laga wado Ganacsiga Elektaroonigga Ah.

Maxaa Laga Wadaa Ganacsiga Elektaroonigga Ah?

Eraygan Ganacsiga Elektaroonigga Ahi waxa uu caan noqday bilawgii soo if-baxa Internet-ka marka ay kordheen tirada isticmaalayaasha adduunka oo dhan, gaar ahaan wuxuu faafitaankiisu aad u kordhay xilligii karoonaha.

Waxaan fikradda ganacsiga elektaroonigga ahi ku qeexi karnaa in uu yahay dhaqdhaqaaq kasta oo ganacsi oo ka dhaca intarneedka dhexdeeda, hadday tahay habka wax iibsiga ama iibinta ama maaraynta ganacsiga sida, Amazon waa mid ka mid ah goobaha ganacsiga elektaroonigga ah ee ugu caansan adduunka maanta.

Faa’iidooyinka Uu Ganacsiga Elektarooniga Ahi U Leeyahay Shakhsiyaadka

  • Wuxuu badeecadda iyo adeegyada ku helayaa qiimo jaban oo faa’iido u leh.
  • Wuxuu awood buuxda u siinayaa wakhti kasta in uu wax iibsan karo.
  • Wuxuu si joogto ah ula socon karaa waxyaabaha ku cusub badeecadda ama adeega.
  • Wuxuu mararka qaar ama badanka la kulmaa qiimo dhimisyo.
  • Wuxuu mararka qaar heleyaa adeega adeega delivery-ga oo bilaash.

Faa’iidooyinka Uu Ganacsiga Elektarooniga Ahi U Leeyahay Shirkadaha Iyo Hay’adaha

  • Wuxuu hoos u dhigayaa kharashaadka faraha badan leh ee ay gali lahaayeen hadii uu ganacsigu maxali ahaan lahaa, sida kiraynta goob, diyaarinteeda, shaqaalaysiinta dad, iwm.
  • Wuxuu shirkadaha iyo hay’adaha siinaya fursad weyn oo ah in ay soo bandhigaan badeecado aan xad lahayn, taas oo uu u suutagalinaysa in ay macaamiishu iibsadaan waxa ay rabaan.
  • Wuxuu u soo koobayaa ama uu u badbaadinyaa wakhti badan oo ay ku lumin lahaayeen shaqada, hadii uu maxalli ahaan lahaa ganacsigu.
  • Wuxuu kodhinayaa iibka waliba si aan xad lahayn, waxaana dhici karta in kun qof ama 5 kun oo qof ay hal mar wax wada iibsan karaan, taas oo aan suurtagal ka ahayn ganacsiga maxalliga ah, oo uu u baahanayo shaqaalooyin badan.
  • Wuxuu u ogolaanayaa in uu gaadho daafaha dunidoo dhan, oo aanuu ku koobnaan aag ama meel gaar ah sida magaalo hebel ama degmo hebel ama xaafad hebel.

Aduunka Ganacsiga Elektaroonigga Ahi waa adduun weyn oo ballaadhan, se hadii aanad garanayn meel aad ka bilawdo, waxaynu kuu diyaarinay koorso dhamaystiran oo kaa haqabtiraysa dhamaan wixii aad uga baahan lahayd galitaanka Ganacsiga Elektaroonigga Ahi, laga bilaabo helidda fikrad, dhisidda qorshe dhamaystiran, helidda badeecadaha ugu iibka fiican, samaynta website, suuqgeynteeda (Digital Marketin),  iyo xittaa curinta nuxurka (Content Creation).

Koorsadani kunawaad waxay ka kooban tahay 50 video, oo iskugu jira Theory, Practise, iyo Presentation, kuwaas oo gacan weyn ka gaysanaya fahamka iyo ka mirodhalinta Ganacsigaaga Elektaroonigga Ah, adigoo awood buuxda u yeelan kara marka aad dhamaysato koorsadani inaad ganacsi kuu gaar ah bilaaban karto.

Hadii aad danaynayso koorsadan waynu kugu soo dhawaynyanaa, iskuna diyaari inaad dhaqaale ahaan madax-bannaanaan doonto –eebe idamkii- Yaa naga mid ah oo doonayya inuu gaaro madax-bannaani dhaqaale?

Ha Ka Waaban Inaad Nagala Soo Xidhiidho Whatspp Lambarkan: +252-90-5582875 Ama WhatsApp Link-Gan: Https://Wa.Link/Zjb442, Ama Telegram Link: Https://T.Me/Gellebashir. Ama aad gujjiso badhankan hoose.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×