Guusha Trump maxay suuqa crypto uga dhigan tahay?

  • November 7, 2024
  • Comment 4

Si guud ahaan waxaa la filayaa in suuqa crypto uu gali doono maalmihiisii wacnaa.

Si gaar ahaanna soo laabashada uu Trump ku soo laabtay aqalka cad waxay u tahay war togan suuqa crypto si uu u helo sharciyad buuxda taasi waxay ka dhigtay maanta Bitcoin inay kor marto $76k.

Sharciyayn cad oo crypto ay hesho

Mid ka mid ah carqaladaha ugu weyn ee sannaddadan dambe haystay suuqa crypto waxa ay ahayd haayadda securities and exchange commission (SEC) oo ah haayad sharciyada siisa suuqyada online-ka ah dabagashana dhaqdhaqaaqooda.

Haayaddan ayaa kolba eedayn iyo dabagal adag ku haysay suuqyada ugu waaweyn crypto ee laga adeegto sida Binance, Coinbase iyo kraken iyada oo kolba dacwad ku soo oogaysay.

Shirkii Bitcoin ee sannadkan la qabtay ayuu Trump ku sheegay inuu haayadda SEC maamulka hadda haysta ee ka soo horjeeda cryptada uu meesha ka saari doono isla marka loo caleema saaro madaxweynenimada.

Trump ayaa ka yidhi shirka “sharciga crypto waxaa qori doona dad jecel waxaad qabanaysaan ee ma qori doonin dan neceb waxa aad haysaan”

Waxa uuna ballan qaaday in inuu hoos u dhigi doono xaddiga ribada taas oo fududayn doonta in wax la amaahdo, taasi ayaa keenaysa in suuqa crypto uu kaco maadaama lacagaha la amaahanayo in badan oo ka mid ah ay soo gali doonaan suuqan crypto.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu dawladda u samayn doono kayd Bitcoin ah.

Doorashadan ayaa golaha Congress-ka keentay xildhibaanno badan oo suuqan crypto taageersan.

Maxaa Bitcoin u soo socda?

Trump ayaa horey wacad ugu maray inuu kayd strategic ah u samayn doono dawladda Maraykanka Haddii dib loo doorto, taasi kama dhigno in Maraykanka soo iibsan doono Bitcoin ka baxsan ta hadda uu haysto balse in dawlad sidaa u weyn ay shaaciso haysashadeeda Bitcoin ayaa saamayn fiican ku yeelanaysa dawldaha kale ee caalamka.

Ku darso oo Trump ayaa ka hadlay inuu horumarin doono suuqa qodashasa Bitcoin (Bitcoin mining) ee ka jira dalkiisa isaga oo leh waxa aan rabaa inaan arko Bitcoin walba oo lagu sameeyo Maraykanka, saamiyada shirkadaha Bitcoin-ta qoda sida Marathon Digital (MARA), Riot Platforms(RIOT), Hut8(HUT) iyo CleanSpark(CLSK) ayaa kacay maalinkii arbacaad ee shalay.

Madaxa warfaafinta ee shirkadda Bitwise Matt Hougan ayaa filaya in qiimaha Bitcoin uu ka kor mari doono $100,000 inta sannadku dhammaan, sidoo kale waxa uu sheegay in maalgashadayaasha crypto ay si caqliyaysan wax u maalgashadaan.

“Ma aha dhammaan crypto wax fcn, mana aha dhammaantood kuwo guulaysanaya” ayuu yidhi Matt Hougan arbacadii shalay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharciyayta la siin doono crypto ay noqon doonto mid cadaalad ah taas oo Coin walba uu iskii u guulaysan ama u guuldarraysan doono, waxay noqon doontaa in maalgashade walba xil ka saarnaado sidii uu sarreenka uga tumi lahaa buushiga isla markaana uu qaadan lahaa tabo saamayn leh oo uu ku xakamayn karo khasaaraha soo foodsaari kara.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketin

WhatsApp-keenna

4 Comments

  1. Gellow waxan rajaynaya inaad farintaydaan akhrini doontid.
    Shaqsi ahaan waxan ahay qof adiga ku tagersan inan kuguu daydona jecel mar walbana muqalada youtubkagana aad ula socdaah gaar ahaan kuwa cryto iyo kuwa marketing ku sabsan iyo alibaba.
    Marka ustaad saad ogtahy waxa jirtoh dhalinyaro jecel inay is badelan ayna bartan xirfado badan
    Oo online ah ama offline clasess ah marka qiimaha awgeed waxa jirah dahlinyaro aad awoodin maanta,inkastoon youtubkaga ku aragnay muqalo aad u faiido badan iyo kuwo kaleba
    Marka codsigaygu wuxuu yahy inaad samaysan qiimo ay awoodi karan dhalinta wadankeenu.
    Nabadeey!!!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×