Halkee ayay martaa cryptada laga qabto shirkadaha?

  • October 27, 2024
  • Comment 0
Maxay ka dhigan tahay qabashada cryptada?

Qabashada cryptadu waa la wareegidda ay waaxda dawladda ee u qaabilsan baadhitaanka sharciyada digital-ka ah ay la wareegayso hantida shirkadda ama qofka ay xilligaas baadhayso oo badanaa waxaa lala xidhiidhiya dhac haddii ay gaystaan ama ay lacag dhaqaan(Money laundering) oo aan dib ka sharrixi doonno ama wax walba oo la xidhiidha sharci darro.

Haddii ay waaxdaasi ogaato is dabamarin sharciga baal marsan waxay la wareegi hantida digital-ka ah ee ay shirkaddu leedahay waxayna ku shubaan akoonno ay dawladdu maamusho ilaa maxkamaddu xukumayso.

Haddii lagu helo dambi waa la xaraashi hantidii ay dawladdu haysay haddii lagu waayo dambina cryptadii waxaa lagu celin akoonnadii laga soo wareejiyay.

Waxaa la qaban cryptada shirkadda ama ruuxa isla marka la xidho oo exchange-yada ay cryptadu ku jirto ayaa loo diraya warqad sheegaysa in ay dawladdu la wareegayso cryptada exchange-yaduna ay siiyaan private key-ga akoonnada dambiilaha.

Exchange-yadu waxay caddaynayaan sababta loola wareegay hantida kadib private key-ga ayay siinayaan waaxda cunaqabataynaysa cryptada si ay uga fogaadaan wax walba oo eed ah.

In lacagta la qabto kaliya ma aha tabaha ay dawladdu adeegsato balse waxaa jira mararka qaar oo ay lumiyaan cryptada dambiilaha si uu dib ugu helin.

Nov 2023kii Department of justice (DOJ) waaxda cadaaladda ee maraykanka ayaa qabatay $9million oo USDT ah kadib marka lagu ogaaday inay sameeyeen dhaca lagu magacaabo pig butchering.

Dhacdooyin la xidhiidha crypto la qabtay
1- qabashada hantidii shirkadda Bitfinex

2022kii dawladda maraykanka ayaa dib u heshay Bitcoin u dhiganta $3.6billion oo 2016kii laga dhacay shirkadda Bitfinex ilaa 120,000 BTC ayaa laga soo celiyay hackers-kii.

July 2023kii ayay dawladdu dib ugu celisay $314million dadkii cryptada ku lahaa Bitfinex ee la dhacay.

2- Cunaqabatayntii lagu sameeyay shirkadda silk road.

2013kii dawladda maraykanka ayaa la wareegtay 144,000 BTC oo ay kala wareegtay shirkadda silk road.

Ross Ulbricht oo ahaa aasaasaha shirkaddan ayaa lagu eedeeyay inuu fududeeyay ka ganacsiga daroogada, qabashada la qabtay cryptadan waxay ka mid ahayd olole lagula dagaallamayay cryptada qaabka sharci darrada ah loo adeegsado.

Cryptadaas la qabtay oo maanta balaayiin dollar u dhigmaysa dawladdu waa ay xaraashtay.

Maxay dawladdu ku falaysaa hantida ay soo qabato?

Waaxda qabatay hantida ayaa qorshe u bandhigi waaxda sharci ilaalinta si ay u adeegsato hantida, qorshahaas oo sheegaya waxyaabaha loo adeegsan doono hantida.

Mararka qaar dadkii lahaa ee laga dhacay ayaa loo celiyaa hantida balse taasi 1% ma kama aha hantida la qabtay.

2011kii booliska gobolka St.louis waxay adeegsadeen $400,000 oo hanti la qabtay ah oo ay helicopter ku soo gateen.

Halka gobollada qaar ee maraykanka sida gobolka Missouri oo kale waxay u adeegsadaan horumarinta dugsiyada iyo waaxaha sharci ilaalinta.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×