– Hordhac

Gelle
Bashir

Gelle Bashir waa entrepreneur soomaaliyeed, ganacsade iskii u shaqaysta, maamulaha goobtan, aasaasaha school-ka Gellebashir Academy, Youtuber, iyo qoraa.

Goobtan waxaa la aasaasay July 2021, waxaana aasaasay Abdirahman Bashir oo ku magac dheer Gelle Bashir, ujeedkeeda ugu waynina waa in la dhiso lana xoojiyo tayada xogoha ku saabsan ganacsiyada kala duwan iyo qaababka kala duwan ee online-ka lacagta looga sameeyo.

Goobtan waxaan dadwaynaha soomaaliyeed kula wadaagaa talooyin, tilmaamo, iyo hab-raacyo wax tar leh oo uu qofku si fudud u raaci karo, isla mar ahaantaana uu uga mira-dhalinkaro, gaarsiini karana xuriyad buuxda oo ah madax-bannaani dhaqaale.

Ku Saabsan Wax-qabadyadayda

 

Wax-qabadyadayda waxay inta badan ku kooban yihiin 2 mid un, “Tacliim” iyo “adeeg”

Dhanka Adeegyada

 
1. WEB DESIGN
 

Yeelashada website waxa ay noqotay hababka ugu kalsoonida badan ee uu ku koro ganacsiga, waana tillaabada ugu horeysa ee ay qaadaan ganacsatada, ama shakhsiyaasdka caadiga ah, maadaama uu hoy u yahay fursado badan oo ganacsi ah, waana il aan la soo koobi karin faa’idadeeda.

Samaynta website u gaar ah mashruucaaga, waxay kuu furi doontaa aragtiyo ballaadhan, waxay kaa caawin doontaa inaad soo jiidato macaamiil cusub, kordhiso iibka, oo dadka tusiso alaabtaada iyo adeegyadaada. Macaamiisha intooda badan waxay galaan internetka, si ay u raadsadaan alaabta ama adeega ay u baahan yihiin, haddii se ay dhacdo inaad ka maqnaato saaxadda internetka, waxaa shaki la’aan ah in aad waayi doonto macaamiil badan, oo ay u wareegi doonaan tartamayaashaada suuqa kugu la jira.

Shirkadeena Ka GELLE DIGITAL SERVICES, Waxaynu Ku Takhassusnay Samaynta, Qaabaynta Iyo Horumarinta Website-Yada, haday noqon lahayd e-commerce website, personal website, small business website, portfolio website, blog website, news website, educational website, event website, iwm.

Sidoo kale shirkadeena waxay diyaar kuula tahay curinta, kobcinta, iyo hirgalinta ganacsigaaga, laga soo bilaabo curinta fikrad wax ku ool ah, samaynteeda, hirgalinteeda, iyo xittaa suuq-geynteeda, ilaa uu ganacsigaagu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo.

  1. 2. DIGITAL MARKETING

Saan wada ognahay ganacsi kasta waxay milkiilayaashiisu ka rabaan ama ay ku dadaalaan inuu xaadir ka noqdo internet-ka, wakhti kastaana la heli karo. Waxaana taa suurta galenaysa inuu ganacsigu yeesho suuq-geyn fiican, isla mar ahaantaana uu yeesho aaladaha kala duwan ee social media (baraha bulshada), si loogu soo bandhigo badeecadaha ama adeegyada ganacsiga, waxaana laga yaabaa ama ay u badan tahayba (waa hadii suuqgeyn fiican la sameeyee) in la iibsado alaabta ama adeega lagu soo daabaco social media, haday noqon lahayd, instagram, facebook, iyo xitaa tiktok oo dhawaan yeelatay shacbiyad badan.

Suuqgeyntu waa qodob muhiim ah oo aanay ku baraarugsaneen ganacsate badan oo soomaali ah, ganacsigu maaha kaliya in la soo saaro badeecad, kadibna loo iib geeyo macaamiisha, si faa’iido looga helo iibka, ee waa in ay la socotaa qorshe suuqgeyneed oo ku habboon suuqa.

Haddaba, shirkadeennu waxay macaamiisheeda diyaar ula tahay, inay helaan macaamiil badan, iyadoo u suuqgaynaysa ganacsigiisa, haday noqon lahayd badeecad ama adeeg.

  1. 3. SEO MARKETING

SEO Marketing waa nooc ka mid ah suuqgeynta waxaana laga yaabaa inaad weli la yaaban tahay sababta SEO ay muhiim ugu ganacsigaaga, ama boggaaga internet-ka aad ku leedahay. Aan kuu sheego qodobo ina tusinya muhiimadda ay leedahay SEO:

– 68% waayo-aragnimada ka dhex dhaca internet-ka waxay ka bilowdaan search engine-da.

– 53% booqdayaahsa website-kaagu waxay ka yimaadaan organic search (booqadayaal dabiici ah).

– 93% booqdayaasha website-kaagu waxay ka yimaadaa google search, google photo, iyo google map.

Wanaajinta SEO, waxay ka dhigan tahay koroka tirada iyo tayada booqdayaasha website-ka, iyada oo loo marayo search engine-nada waaweyn sida google, bing iyo yahoo. Wanaajinta seo waa mid ka mid ah hababka ugu wanaagsan uguna wax tarka badan ee lagu taliyo marka ay timaaddo kordhinta booqdayaasha.

Shirkadeena Ka GELLE DIGITAL SERVICES, si fiican ayay kaaga haqab tiraysaa adeegan, waxayna had iyo jeer ku dadaalaysaa inay goobtaada ka dhigto mid ka soo muuqata natiijooyinka ugu horreeya ee raadinta.

Hana Iloobin In Ay Shikadeenu U Heelan Tahay Mar-Walba Caawimaadkaaga, Si Aad U Gaadho Hadafkaaga Ah, Madax-Bannaani Dhaqaale. Sidaa Darteed, Yaa Naga Mid Ah Oo Doonayya Inuu Gaaro Madax-Bannaani Dhaqaale?

Dhanka Tacliimta

  1. 1. COURSES

Dhanka tacliimta marka ay timaado waxaan bixinaa 3 koorso oo kala ah:

– Ecommerce & Marketing

– Blogging

– Affiliate Marketing

  1. 2. YOUTUBE

YouTube waa goob aan dadwaynaha soomaaliyeed kula wadaagu xogo iyo macluumaadyo ku saabsan ganacsiga qaybihiisa kala duwan, haday noqon lahayd talooyin, tilmaamo, iyo hab-raacyo fudud oo uu qofku mari karo, iyo gaaridda xuriyad madax-bannaani dhaqaale.

  1. 3. BLOG

Sidoo kale blog-gu waa goob aan dadwaynaha soomaaliyeed kula wadaagu xogo iyo talooyin wax ku ool ah, oo u ogolaanaya qofka inuu bilaabo safarkiisa ku aadan bilaabidda mashruuc ama gaadhidda xuriyad madax-bannaani dhaqaale.

×