Kaydsashada Maraykanka ee Bitcoin waa taariikh cusub.

  • December 20, 2024
  • Comment 1

Kaydshada Maraykanka ee bitcoin ayaa jabin doonta halving cycle-ka, oo aan dib uga warami doonno, waxaa la filayaa in arrimuhu afarta sano ee soo socota sidoodii iska baddalaan.

Iyada oo la saadaalinayo in madaxweynaha dooran ee Trump uu saxeexi doono xeer Bitcoin loogo kaydinayo dawladda Maraykanka isla maalinka uu xilka qabto ama mudda xileedkiisa ayaa la filayaa inay crypto galin doonto xaalad aan horey loo arag.

Laga bilaabo xilligii senator Cynthia Lummis ay soo bandhigtay qorshaha lagu kaydsanayo Bitcoin bilawgii sannadkan, gobollada sida Texas iyo Pennsylvania waxay ku raaceen qorshahaas, sidoo kale dalalka Russia, Thailand iyo Germany ayaa iyaguna qorshaynaya kaydshada Bitcoin.

Haddii ay dawladuhu ku dadaalayaan helitaanka qaybtooda ee Bitcoin, ma macasalaamayn doonnaa afartii sano ee suuqu is-daba wareeganayay (dadka qaar halving ayay ugu yeedhaan).

Iliya kalchev, taxliiliye u shaqaysa Nexo, Ayaa aamminsan in haddii Bitcoin la kaydsado ay ka dhigayso Bitcoin mid sharciyaysan oo hesha aqoonsi maaliyadeed.

Muddo kasta Bitcoin waxay leedahay qorshe kor u qaada oo ka saara is-daba wareegga(consolidation), balse kani waa ka duwan yahay, crypto waligeed ma helin dawlad u taageersan sida tan Trump isla markaana ku badan Senate-ka iyo congress-ka” Iliya kalchev.

Soo bandhigidda Lummis ee kaydshada Bitcoin 2024 ayaa Bitcoin galin doonta kaydka dawladda Maraykanka iyaga oo gadanaya 200,000 Bitcoin sannad kasta in ka badan Shan sano, taas oo ka dhigi doonta inay haystaan 1 million oo Bitcoin, waxayna xajin doonaan ilaa 20 sano.

Jack Mallers oo ah aasaasaha iyo maamulaha shirkadda Strike, ayaa aamminsan in Trump awood u leeyahay inuu isla maalinka koowaad ee uu xilka qabto ansixin karo xeerka kaydsashada Bitcoin.

Dennis Porter, aasaasaha haayadda Satoshi Act Fund oo ah haayad caawisa taageerayaasha Bitcoin ee Maraykanka, ayaa isna sheegay inuu Trump baadhayo hab uu dalka kaydkiisa ugu daro Bitcoin.

Dennis Porter oo sheegay in                           Trump uu raadinayo qorshe dalka Bitcoin loogu kaydinayo xigasho:- Dennis Porter

Ilaa hadda, kooxda Trump ma caddayn inay Bitcoin kaydsan doonaan, balse waraysi Trump uu ka qaaday adeecadda CNBC ayaa lagu waydiiyay in Maraykanku kaydsan doono Bitcoin Sida uu u kaydsado salliidda waxa uuna ku jawaabay “sidaas ayaan filayaa“.

Bitcoin waxa soo maray afar halving ilaa hadda, soddon halving wali waa soo socdaan, ” way adag tahay in Bitcoin ay raacdo isla hal waddo oo la saadaalin karo” ayay tidhi kalchev, si gaar ah waxaa saamaynaya dhaqaalaha sii koraya iyo bangiyada dhexe oo horumarinaya xeerarkii ay ku dhaqmi jireen.

Kalchev ayaa aamminsan in Bitcoin saamaynta halving-ku ku yaraan doono oo ay ku badan doonto saamaynta dibadda kaga imanaysa Sida inay jeeb-weyntu adeegsadaan iyo siyaasadaha is dhalan rogaya.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing   

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×