Ku dhawaad $180 million oo sell loogu galay suuqa ayaa laga xaaqay dariiqa kadib marka ay Bitcoin samaysatay all-time high cusub ama meeshii ugu sarreysay ee ay abid gaadhay oo ah $89k.
Ganacsatada crypto ee u arkayay inay Bitcoin hoos u dhac samayn doonto, maadaama ay in badan kor u socotay ee suuqa sell u galay ayaa hawada laga saaray kadib markii ay Bitcoin dhaaftay $89k.
Website-ka CoinGlass baadhitaan uu sameeyay waxa uu sheegayaa in 12kii saac ee u dambaysay ku dhawaad $180 million oo sell loogu jiray suuqa in ay gubatay.
Bitcoin ayaa sii ambaqaadday geedi socodekeedii ka soo bilawday guusha Trump uu ku guulaystay madaxweynenimada dalka Maraykanka, iyada oo samaysay kor u kac 9% ah gaadhayna meeshii u sarraysay abid oo ah $89,500 November 12, sida ay sheegtay CoinGecko.
12kii saac ee la soo dhaafay $180M oo khasaare ah oo soo gaadhay sellers-ka xigasho:- CoinGlass.
Ganacsatada Bitcoin sell u galay ayaa jabka ugu weyn la kulmay, kadib $67 million oo ay khasaareen, sidoo kale Dogecoin kuwa sell gareeyay ayaa iyaguna khasaaray $23 million, waxaana saddexeeya sellers-ka Ether-ka sell gareeyay iyaga oo khasaaray $21 million.
Sidoo kale ma nabad galin buyers-ku oo $228 million oo buy ay 218,206 ganacsade ugu jireen suuqa ayaa iyaguna 24kii saac ee u dambaysay khasaaray, taas oo wadarta guud ee khasaaraha labada dhinac ka dhigaysa $682.72 million.
Khasaaraha kali ah ee ugu weyn waxa uu ahaa $15.6 million oo ganacsade adeegsanayay platform-ga OKX isaga oo khasaaray xilli uu Bitcoin u baddalan rabay Tether(USDT).
.Ganacsatada sell-ka ugu jiray suuqa ayaa khasaaraha ugu badan soo gaadhay 24kii saac ee lasoo dhaafay xigasho:- CoinGlass.
30kii bari ee u dambeeyay, 6dii November ayuu khasaaraha ugu badan soo gaadhay sellers-ka suuqa oo uu gaadhay $350 million oo khasaare ah, kadib markii Bitcoin doorashada waxyar ka hor ay hoos u dhacday oo ay gaadhay $69k.
Sida ay aamminsan tahay shirkadda Tradingview, Bitcoin ayaa dib ugu soo celisay saamaynteeda ay suuqa ku lahayd 59%, waxa ayna u dhawaatay 60% oo ah halkii ugu korreysay ee ay gaadhay April 2021kii.
Caroline Bowler oo ah madaxa shirkad Australian ah oo crypto ka shaqaysa ayaa sheegtay in kor u kaca Bitcoin ay tahay saamaynta Trump oo suuqa waxaa ku soo laabtay maalgashadayaashii yaryaraa.
Shirkaddeeda ahaan haddii la eego waxa ay sheegtay in dadka cusub ee soo galaya platform-gooda ay 300% kor u kaceen todobaadkii la soo dhaafay, taasina ay tahay halkii ugu sarreysay ee uu 6dii bilood ee u dambaysay uu gaadhay, waxayna sheegtay inay taasi tahay caddaynta in maalgashadayaasha yaryar ay suuqa ku soo laabteen, kadib marka guusha Trump ay saamaysay dhammaan suuqyada caalamiga ah.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Website Design WordPress.
- Barashada Forex Course
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing