Madaxa Tether Paolo Ardoino ayaa aaminsan in haddii la adeegsado Quantum computing in dib loo soo celin karo oo la hack-gareyn Karo akoonnada lumay ee Bitcoin ay ku jirtay Isla markaana lagu soo celin karo suuqa.
In kasta oo uu sheegay inay tahay waddo dheer.
” Bitcoin walba oo ku jirtay wallets-ka ama akoonnada lunsan, marka lagu daro akoonka Satoshi (haddii uu nool yahay), waa la jabsan karaa (hack), si suuqa loogu soo celiyo” Paolo Ardoino ayaa ku soo qoray bartiisa X maalinkii shalay.
Quantum computing wali uma dhawa inuu dib u soo cesho Bitcoin xilliyadan dhow
” Quantum computing aad ayuu uga fog yahay wali inuu wax macne leh oo jabsashada Bitcoin qaab-dhismeedkeeda ah” ayuu raaciyay.
Quantum computing waa teknooloojiyad cusub oo awoodda hawlo xisaabeed adag waxyaabo badanna suuro galinaya oo ay awoodayn computers-ka caadiga ah.
Bitcoin-ta luntay ee ku jirtay akoonnada lunsan ayaa qatar ugu jirta in horumarka ku socda quantum computing-ka maadaama ay hantida ku jirta cidna ilaalinayn isla markaana akoonka ka wareejin karin.
Akoonnada hada shaqaynaya ee dadkii lahaa gacanta ku hayaan waxay u badan tahay in ay la qabsan doonaan ama samaysan doonaan difaac ka hortaga quantum computing-ka marka uu horumarkaas gaadho.
Waxaa kale oo uu yidhi sida aan horey u soo sheegnay in akoonnada active-ka ah ee shaqaynaya in loo wareejin doono address-yo ka difaaca quantum computing-ka.
Xigasho:- Paolo Ardoino
Crypto Skull oo ah ganacsada crypto ayaa uu sheegay dadka bartiisa X kala socda in haddii la soo celiyo akoonnadii Satoshi suuqana lagu soo daayo hantidaas in ay suuqa crypto u celin doonto eber oo ah bartii uu ka soo bilawday.
Dadka qaar ee suuqa ku talaxtagay ayaa sheegay in Bitcoin-ta Satoshi lagu daayo meeshooda si looga celiyo dadka dhici raba.
Bishii July ee 2023ka, warbixin ay soo saartay Quantum Grad ayaa sheegtay Grover search algorithm — oo ah algorithm xawaare sarreeya kaas oo baadha xogaha aan kala soocneyn uu yahay xalka ugu habboon ee lagu baadhi karo furayaasha Bitcoin-ta luntay.
Inkasta oo uu hadalkiisa ku daray ” laga yaaba in ay qaadato malaayiin qubits si loo dhiso Grover’s algorithm shaqaynaya kaas oo si hakad la’aan ah u faagi kara oo soo heli kara Private keys-kii ama furayaashi Bitcoin-ta luntay“.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing