

Doorashada magac ku habboon website-kaaga waa mid ka mid ah go’aamada ugu muhiimsan ee ay tahay inaad ka fiirsato, maadaama ay saameyn doonto website-kaaga mustaqbalka fog ama dhow.
Magaca aad u doorayso website-kaaga waa inuu la xiriiraa macnaha nuxurka aad bixin doonto, Iyadoo ay maanta jiraan balaayiin website, way adagtahay in si fudud lagu helo magac gaar ah oo fudud. Sidaa darteed waxaa jira aalado kaa caawinaya inaad doorato magac soo jiidasho leh oo kugu habboon ama ku habboon nuxurka aad bixin doonto iyo goobtaada.
Waxaa jira xulashooyin oo ay tahay inaad doorato ka hor intaadan go’aansan magaca aad u bixin doonto website-kaaga, tusaale ahaan: go’aaminta nuxurka aad ku bixin doonto goobtaas, iyo sidoo kale dadwaynahaada bartilmaameedka ah, waxayna door muhiim ah ku leeyihiin doorashada magaca website-kaaga.
Marka aad website-kaaga u doorayso magaca ku habboon, waa in aad xisaabta ku dartaa qaar ka mid ah sifooyinka lagama maarmaanka ah ee u sahli kara in soo booqdaha ama raadiyaha uu si fudud u helo website-kaaga, iyada oo loo marayo waxa uu raadinayo si dhib la’aan ah, tusaale ahaan:
Waa inaad marka hore hubisaa in magaca aad dooratay uu yahay mid gebi ahaanba gaar ah oo aanu la mid ahayn magaca goob kale, ma isticmaali kartid ama ma qaadan kartid magaca goob kale, tanina waxaa loo yaqaanaa xad-gudubka xuquuqda lahaanshiyaha.
Haddii se aad qaadato magac goob kale ay lehayd website-kaaguna uu koro oo uu ku dhawaado inuu guulaysto, waxaa laga yaabaa inaad la kulanto tallaabo sharci ah ama Google ayaa laga yaabaa inay gabi ahaanba website-kaaga ay ka tirtirto mareegaheeda, sababtoo ah waxaad ku xad gudubtay magaca goob kale (oo caan ah).
Waxaa lagama maarmaan ah in magaca website-kaagu uu qeexo nuxurka aad bixin doono, tusaale ahaan, Mar-marka qaar ee aad maqasho website magacii, waxaa laga yaabaa inaad isla markiiba ogaan karto waxa uu ka hadlo website-kaas, ama uu bixiyo haday yihiin adeeggyo.
Waa muhiim in magaca la dooranayo uu noqdo mid fudud oo la garan karo ama la xasuusnaan karo islamarkaana gaaban (haday suurtagalayso), isticmaalayaal badanina way u fududaan doontaa.
Doorashada magac fudud oo gaaban waxay xoojisaa Mareegaha Google, markaa isku day inaad doorato magac fudud oo la xasuusnaan karo islamarkaana aan ka badan laba ilaa saddex eray, maadaama magaca dheeri ay u badan tahay in si dhakhso leh loo ilaabo, mana soo jiidan doonto isticmaaleyaal badan.
Dhammaan magacyada la socda ama la xidhiidha Tiro ama Hakad Iyo IWM (Tusaale ahaan gelle1bashiir.com ama gelle-bashiir.com IWM) waxay adkeynayaan in la helo ama la gaadho website-kaaga, sababtoo ah dhammaan raadiyayaasha waxay door bidaan magacyo fudud oo aan lahayn dhibaatooyin.
Se hadii laga maari waayo isku day inaad isticmaasho tirooyinka ama hakadyadada inta ugu macquulsan oo aad isleedahay raadiyaha way u fudud tahay.
Sidii aan horay u soo sheegnay, waxaa jira aalado kaa caawinaya inaad website-kaaga u doorato magaca ku habboon.
Aaladaha aynu xusi doono badidoodu way ka siman yihiin shaqada ay qabtaan waxayna kuu sahlayyaan helitaanka magaca ku habboon website-kaaga,
Tusaale ahaan, waxaad rabtaa inaad samayso website ku saabsan iibinta gawaadhida (baaruurada), waxaanad raadinaysaa magaca ku habboon website-kaagan ah iibinta gawaadhida, kaliya waxa aad samaynayso ayaa ah inaad booqato goobahan aynu xusi doono, oo aad bartooda BAR-RAADINTA ama SANDUUQA RAADINTA aad ku qorto erayga nuxurka oo ah “Gaadhi” waxaanad heli doontaa natiijooyin badan oo ku saabsan waxa aad raadinayay, Saasna waxaad ku dooran kartaa magacii aad istidhaahdo wuu ku habboon yahay website-kaaga.
Sii Daalaco: Sidee Blogging Ka Oga Shaqeysan Kartaa?
Sidoo Kale: Waa Maxey SEO Ama Search Engine Optimization?
Xulashada ama doorashada magac ku habboon website-kaaga ama fikraddaada ganacsi ama mid shakhsi ahaaneedba waa mid ka mid ah go’aamada ugu muhiimsan ee u baahan ka fiirsasho xeel dheer. Inta badan milkiilayaasha ganacsiyada cusub leh waxay ku degdegaan doorashada magaca ay u bixiyeen goobtooda iyagoo aad uga taxadarin kana fikirin mustaqbalka fog. aakhirkana way ka qoomameeya go’aankooda
Haddii ay dhacdo inaad dooratid magac khaldan ama mustaqbalka fog aad u arakto magacaan inuu khaldanaa, way adkaan doontaa inaad iska badasho magacaas, waxaanad waayi doontaa hadii aad iska badasho waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin uguna horeeyaan wakhtiga iyo lacagta, macaamiishii kugu taqaanay magacan, makiinadaha raadinta (Search Engine), iskuxirayayaasha (backlinks) iyo booqdayaasha, iyo qaar kale. Sidaa darted waxaa lagugu la talinayaa inaad feejignaato oo magac ku habboon aad u doorto website-kaaga ama website-ka ganacsigaaga.
4 Replies to “Sideed ku heli lahayd magac ku habboon website-kaaga”
ustaad wxa raba inaad ii dhisto wepsed xgee kala soo xiriiraa wll qali
wasalaam wll. fadlan whatsappkeena nagal asoo xiriir . shaashada buu saaran yahey.
[…] Sii Daalaco: Sideed Ku Heli Lahayd Magac Ku Habboon Website-Kaaga […]
[…] Sii Daalaco: Sideed Ku Heli Lahayd Magac Ku Habboon Website-Kaaga […]