Maraykan, iibi dahabka oo Bitcoin gado!

  • December 13, 2024
  • Comment 0

Micheal Saylor oo aan horey uga soo hadalnay inuu Microsoft u soo bandhigay mashruuc ay Bitcoin kula qabsanayaan balse markii dambe ay ka diideen, ayaa haddana dawladda Maraykanka ka codsaday inay dhammaan dahabka ay haystaan iska iibiyaan oo ay Bitcoin ku gataan.

Ololahan uu Saylor ku kacay waxaa sida la sheegayo horseeday kor u kaca qiimaha Bitcoin iyo rajada laga qabo mustaqbalka fog iyo sidoo kale la qabsiga uu adduunku la qabsanayo Bitcoin oo aad u kobcaya bilahan dambe.

Dawladda Maraykanka waxay ka mid tahay dawladaha haysta dahabka ugu badan caalamka, oo ku dhawaad 72% dahabka caalamka Maraykanka ayaa haysta. Sida uu sheegayo website-ka TradingEconomics December 9keedii Maraykanku waxa uu haystay 8133 ton oo dahab ah.

Quba dahabkiinna, iibiya dahabka u kaydsan Maraykanka waxa aad ku gadataan lacagtaas Bitcoin, 5 million oo Bitcoin waad ku gadan kartaan, waxa aad qiimo tiraysaan dahabka cadawgeennu dahabka uu haystana eber ayuu noqon innaga Bitcointeennuna waxay inoo dhali trilions” Micheal Saylor ayaa waraysi ka sheegay.

Sidoo kale, Saylor waxa uu filayaa in MarketCap-ka Bitcoin uu gaadhi doono $280 trillion, isaga oo dhaafi doona kan dahabka oo ah $45 trillion.

Iyada oo ra’yigiisan la eegayo, Saylor waxa uu todoobaad walba gadanayaa Bitcoin maalgashadayaal kalena waa uu ugu baaqayaa, shirkaddiisa MicroStrategy hadda waxay haysataa 402,100 Bitcoin taas oo u dhiganta $40 billion.

Michael Saylor iyo aragtida Trump ee ah kaysiga Bitcoin

In si istiraateeji ah loo kaydsado Bitcoin waxa ay ahayd fikrad uu soo bandhigay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump isaga oo ka sheegay shirkii Bitcoin loo qabtay sannadkan bishii July.

Labada shakhsi ee Trump iyo Saylor waxay sheegeen in Bitcoin siyaabo badan loo adeegsan doono oo ay ka mid tahay in lagaga hor tago sicir bararka, taas oo dawladihii kale ku dhiirrisay inay Bitcointooda haystaan in kalena ay raadsadaan.

Sidoo kale Microsoft iyo Amazon ayaa dadka saamiga ku leh ay ka codsadeen inay Bitcoin gataan oo ay ka muuqato akoonnadooda, maadaama hadda ahaan ay lacag iyo bonds ay u badan tahay.

Michael Saylor ayaa ahaa mid u ololeeya Bitcoin sannadkan haddii aanan dhihin waaba cidda ugu cadcad marka loo yimaaddo ololaha Bitcoin.

Balse khubarada qaar ayaa sheegaya in istiraateejiyadda uu Saylor adeegsanayo ee ah in lacagta dadka maalgashadayaasha ah uu shirkadda ugu gadayo Bitcoin aynan ahaanayn mid sii waarta, maadaama hal mar oo maalgashadayaashu ay kalsooni xumo soo foodaaarto ayaa ka dhigi karta shirkadda mid dunta.

Balse sida muuqata Saylor ma aha mid u fadhiya in laga dhaadhiciyo qasaaraha Bitcoin iyo inuu qorshe dhaama yeesho, balse isaga ayaaba cid walba oo uu arko iyo kulan walba oo uu ka qayb galo uga faa’idaysanaya faafinta iyo ammaanidda Bitcoin iyo mustaqbalkeeda.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing   
  •  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×