Madaxa shirkadda MicroStrategy sidoo kale ah taageere Bitcoin Michael Saylor ayaa u sheegay guddiga maamula shirkadda Microsoft inay $5 Trillion ku soo dari karaan shirkaddooda haddii dhammaan hantidooda ay Bitcoin gashaan.
Mulkiilaha shirkadda MicroStrategy ayaa siiyay shirkadda Microsoft qoraal 44 bog ah oo ugu sheegayo inay $100 billion sannadkiiba ay ku maalgashadaan Bitcoin.
Saylor ayaa ku sheegay hadalkaan madal uu guddiga Microsoft hortooda ka jeedinayay, waxa uuna sheegay sababta ay shirkadaha waaweyn ee teknooloojiyadda ay muhiim ugu tahay inay Bitcoin maalgashadaan.
“Microsoft ma aha in ay ka hadho mawjadda cusub ee teknooloojiyadda ah, Bitcoin ayaa ah mawjaddaas” Michael Saylor ayaa hadalkiisa ku furtay muuqaal la soo dhigay Dec 1deedi, taas oo kaga dalbanayay Microsoft inay dhammaan qulqulka hantideeda Bitcoin ka dhigto, sida qaybtanka saamiga, saami dib u gadashada iyo daymahaba.
” Haddii aad sidaa fashaan, waxa aad boqollaal dollar ku soo biirinaysaan saamiga shirkaddiinna, waxa aad hantidiinna ganacsi ka dhigaysaan trillions, sidoo kale waxaad khatarta ka fogaynaysaan dadka saamiga idinku leh” Michael Saylor.
Madashaas waxa uu Michael ku sheegay in Bitcoin ay $584 ku soo kordhin karto saamiga shirkadda Microsoft 10ka sano ee soo socda haddii ay dhammaan qulqulka hantidooda ay gashaan, isaga oo filaya in Bitcoin ay gaadhi doonto 1.7 million dhammaadka 2034.
Saylor ayaa aamminsan inay strategiyaddan ay $4.9 trillion ku soo kordhinayso hantida Microsoft, shirkaddu hadda ahaan waa ta saddexaad ee caalamka ugu hanti badan isla markaana waxa ay ku fadhidaa $3.18 trillion oo kaliya waxaa ka horreeya Apple Inc iyo Nvidia Corp.
Bitcoin waxa ay kacday ku dhawaad 120% sannadkaan, 40% oo ka mid ah waxa ay ahayd bishii u dambeysay oo keli ah, waxay gaadhay ku dhawaad $100,000.
Shirkadda MicroStrategy waxa ay iibsatay 402,100 Bitcoin oo guud ahaan ah $38.6 billion ah, marka ay Bitcoin joogto $96,100.
Saamiga shirkadda MicroStrategy(MSTR) ayaa kacay 465.5% sannadkan, waxa uu la socdaa qiimaha inta Bitcoin ee ay haysato, Markii ugu sarraysay waxa uu gaadhay $421.88 Nov 22keedii.
Saylor waxa uu sheegay in taageerada Bitcoin ay ka helayso siyaasiyiinta iyo shacabkaba ay kor u kacayso waxa uu sheegay inay jirto “kacdoon crypto ah” isla markaana maamulka maraykanka ee soo socda uu yahay mid crypto idaylkeed dan u ah.
Michael ayaa ku boorriyay Microsoft inay sannad kasta $100 billion ku maalgashato Bitcoin, isaga uu ka dhaadhicinaya inay qiime badan ku soo kordhin doonto qiime badan, haddii ay Bitcoin iibsadaan halka ay dib uga iibsanayaan saamigooda ama ay haysanayaan bonds.
” Waa xilligii ay Microsoft qiimeyn lahayd qorshaheeda Bitcoin ku aaddan” ayuu yidhi Saylor sidoo kale waxa uu raaciyay ” sameeya waxa u fiican caalamka Bitcointana maalgashada”.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing
Abdullahi Muqtar
Waxaan rabaa coin ku fiican ii lamaal gashto inaa isheegtaan idinkoo mahadsan
Gelle Bashir
Youtube kena kala soco wll coins ugu fiican