Midowga AI iyo Blockchain!

  • November 18, 2024
  • Comment 0

Artificial intelligence (AI) ama Blockchain waa laba awoodood oo mid walba iskii saamayn ugu leh teknooloojiyadda casrigan, Balse inay midoobaan waxay furaysaa bogag cusub oo taariikh ah oo suuro gal ka dhigaysa wax badan oo horey loo samaynin.

Midawga AI iyo Blockchain waxa uu dardar galin karaa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin teknooloojiyadda supplychain logistics, caafimaadka iyo dhinaca cybersecurity-ga oo ah amini ilaalinta internet-ka.

AI iyo Blockchain oo ahaa kuwo mid walba meeshiisa kan ugu saamaynta badan ayaa hadda midoobaya waxayna si wada jir ah u horumarinayaan teknooloojiyadda.

AI-gu waxa uu u suuro galinayaa mashiinnadu inay si iskood ah qaraar u qaataan isla markaana ay dadka caawiyaan, halka Blockchain-ku uu kaa caawinayo helitaanka cadcaddaan iyo amni dhinaca waxyaabaha la isku diro ah.

Inay midoobaan AI iyo Blockchain kama dhigno kaliya in la isku daray awoodahooga balse waa in la jibbaaray saamayntooda waxayna keenayaan teknooloojiyad hor leh oo si aan hakasho lahayn u xallisa caqabadaha isla markaana qaadan karta qaraar ay u madax bannaan tahay.

Midowga AI iyo Blockchain waa midow aad u weyn oo xallinaya aminiga xogaha, cadcaddaan iyo habsamaanta taas oo ka dhigi doonta suuqyada AI iyo Blockchain-ka mid kor u dhaafa $703million sannadka 2025, iyaga oo helay kor u kac sannadeed (CAGR) ah 25.3% laga soo bilaabo 2020kii ilaa 2025.

Blockchain AI Market Size (2020 - 2025).                                                                               Xigasho:- Appinventiv

Ganacsiyada ayaa ka faa’idaysan Kara midowgan si ay u horumariyaan amniga ganacsiyadooda iyo sidoo kale cadcaddaanta wax qabadkooda, taasi waxay hubaanti u keenaysa guusha ganacsiyadooda.

In labadab teknooloojiyadood la isu daro kaliya ma dardargalinayso kartida AI-ga balse waxay sees u noqonaysaa horumarinta teknooloojiyado cusub xilli ay dhammaan shirkaduhu qaadanayaan qaraar lagu saleeyay xogta la hayo si loo garto meesha ay dhibtu ka jirto ka dibna loo xalliyo si ay u gaadhaan heer ka sarreeya kan maanta ay joogaan.

Saamaynta uu AI ku leeyahay Blockchain-ka

Inkasta oo Blockchain yahay teknooloojiyadda casrigan ugu maalgashiga fiican, haddana waxaa jira caqabado uunan wali xallin, bal aan isla eegno caqabadahaas sida uu AI-gu uga caawinayo Blockchain-ka.

Benefits of AI in the Blockchain Ecosystem

                                                                            Xigasho:- Appinventiv

1- habsamida xog maaraynta

Blockchain waxa uu ku dhisan yahay hash-garaynta(hashing) xogaha si loo qodo(mine) xogaha iyada oo la hawlgalinayo ‘brute force’ oo si xooggan u raadinaya furaha xogtaas, balse AI marka uu la falgalo waxa uu ka caawinayaa inuu si toosan oo awood badan kaga bixin uu u helo furaha xogaha qofka hash-garaynaaya.

2- horumarinta habsamaanta wax is waydaarsiga.

Waxyaabaha ugu weyn ee AI uu ka saacidi doono Blockchain-ka waa horumarinta habsamaanta wax is waydaarsiga peer-to-peer-ka ah oo sannadkii ay balaayiin ku baxdo, AI waxa uu ka caawin doona sida ay khubaradu sheegayaan habsami u socodka iyo yaraynta awoodda ku bixi lahayd dadkaas badan ee wax is waydaarsanaya taasi darteed waxaa yaraanaysa hantidii balayiinta ahayd ee ku baxaysay.

Isku soo wada duub oo AI iyo Blockchain midowgoodu waa mid si weyn wax looga dheefi doono isla markaana caalamka u horseedi doona teknooloojiyad hor leh.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Website Design WordPress.
  • Barashada Forex Course
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×