Money laundering

  • October 31, 2024
  • Comment 0

Money laundering ama lacag dhaqis waa fal sharcidarro ah oo lacag si sharciga baalmarsan sida lacagta daroogada laga helo iyo lacagta dadka laga dhaco loogu eekaysiinayo lacag sharciyaysan.

Lacagta laga helo falalka sharciga baalmarsan waxaa loo garan ogyahay lacag wasakh ah habkan loo marayo ee dhaqistuna waa hab lagaga tirayo wasakhda waana sida uu magaca lacag dhaqis uu ku baxay.

Waaxda dawladda ee Anti-money laundering (AML) ayaa u qaabilsan ka hortagidda iyo la dagaallanka falalkan.

Sidee ayay u shaqaysaa lacag dhaqistu

Lacag dhaqistu waxay aad muhiim u tahay cid kasta oo sifo sharcidarro ah ku shaqaysta lacag, haddaba si ay lacagtooda u dhaqaan oo ay u sharciyeeyaan saddex tallaabo ayay qaadaan:-
1- waxa ay lacagta dhigaan bangi ama meel laga aqoonsan yahay dawladda si looga shakin lacagtooda.

2- waxa ay lacagta ku wareejiyaan akoonno badan iyaga oo si taxadar leh oo la fahmi karin u fulinaya hawshan, isla markaana cid walba oo loo tuuro meel been abuur ah ay ku sheegayso inay lacagta ka keentay.

3- waxa ay ka saaraan lacagta bangiyadii ay gasheen oo ay sababeeyeen lacagtooda, sidaas ayay ku noqonaysaa lacag sharciyaysan.

Siyaabaha ay lacagta u wareejiyaan
  • Baahin lacagta ay ku baahinayaan akoonno yaryar oo badan si aan loo dhihin waa lacag badan.
  • Lacagta oo lagu diro akoonno xuduudaha ka baxsan oo wadanno kale lagu tuuro si dabagal xooggan uu u dhicin.
  • Gadasho iyo iibin u dhacaya si degdeg ah sida in la gato guryo ama gaadiid isla markaana la iibiyo si ay u sharciyowdo lacagtu.
  • Khamaartan lagu khamaaro lacagta si loogu xisaabiyo in khamaar lagu helay.
  • Aasaasidda shirkado aan shaqaynayn oo magac u yaal ah si loogu qariyo lacagta.
Lacag dhaqista electric-ga ah

Soo bixidda adeegyada bangi ee online ka ah iyo adeegga peer-to-peer transactions waxa ay fududeeyeen lacag dhaqistii, kana dhigtay waaxaha dabagalka ku sameeya lacagaha sharcidarrada ah kuwo ay hawshu ku adkaato.

Cryptocurrency ayaa ah meelaha ugu waaweyn ee casrigan lacagaha lagu dhaqo maadaama waxa aad dirayso iyo waxa ku soo galaya aynan cid xakamayn karin.

Sannad walba waxaa la dhaqaa lacag u dhaxaysa $800billion ilaa $2trillion taas oo u dhiganta 2% ilaa 5% lacagta waxsoosaar ee dunida.

Waa maxay calaamadaha lagu garto lacag dhaqista?

Cidda lacagta dhaqaysa oo marka lagala hadlo arrin lacagtiisa la xidhiidha ka naxa sidoo kale dira lacag badan iyada oo cash ah ama leh shirkad marka aad aragto aan shaqo badan qaban balse lacagta ay soo xarayso tahay mid aan macquul ahayn.

Waxyaabaha aad loo adeegsado marka la dhaqayo lacagta waxaa ka mid ah guryaha ama dhulka oo la gato taasi marka aad iibiso waxay ka dhigaysaa lacagta mid sharciyaysan.

Dhammaan dawladaha adduunka dagaal ayay kula jiraan lacag dhaqista (Money laundering) balse nin walba taagtiisa ayuu socdaa.

Our Courses
  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Website Design WordPress.
  • Dropshipping Mastery Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

×